Home
  Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
KLM Europa 2008
Last Updated: Jul 4, 2009 - 2:05:08 PM
Wararka
Al-shabab oo u hanjabtey burcad badeeda


Sarkaal u hadlay Ururka hubeysan ee Al-shabaab ayaa sheegay inay xoog kusoo furanayaan markabka laga leeyahay dalka Sa'ud Arabia ee lagu haysto xeebaha Somalia.

C/wali Muuse oo ah sarkaalka u hadlay Al-shabaab ayaa daboolka ka rogay inay ka caroodeen maqalka wararka sheegaya in Markab laga leeyahay dal Islaam ah afduub ahaan loogu haysto Somalia.

"Dagaal hubeysan ayaan la galaynaa burcadbadeeda haysta MV Surius Star, jiho walbana waan uga imaanaynaa" ayuu yiri Muuse oo intaas ku daray inay ciidamo u direen degmada Xarardheere.

Markabkan oo wada shidaal qiimihiisu gaarayo $140-Milayn ayay kooxaha haysta ka afduubeen meel ka baxsan biyaha Somalia, waxayna sheegteen lacag madaxfurasho ah oo gaaraysa $25-Milyan.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kooxo ka tirsan Al-shabaab ay durba gaareen degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, iyadoo xeebaha Gobolkaas lagu hayo Markabka.

"Islaamiyiintu waxay yimaadeen Xarardheere, waxayna maleegayaan qorshe ay ku weeraraan burcadbadeeda haysta markabka laga leeyahay Saudi Arabia" ayuu yiri oday ka mid ah dadka deegaanka.

Goobjooge kale oo ku sugan isla degmada ayaa u sheegay wakaalada wararka inuu magaalada afkeeda hore ku arkay gaadiid ay wataan Al-shabaab, kuwaasoo ay qoryo ku rakiban yihiin.

"Magalada waxaa ku wada sugan kooxo doonaya inay lacagaha madaxfurashada ah wax ka helaan iyo Islaamiyiin doonaya inay dagaal ku qaadaan burcada Markabka haysta" ayuu AFP u sheegay Ax'ed C/llaahi oo ka mid ah dadka deegaanka.

Burcadbadeda haysta markabkan ayaan ka hadlin hanjabaadaha ka imaanaya Al-shabaab; iyadoo saadaal la sameeyay lagu sheegay in burcadbadeeda Somalidu ay madaxfurasho ahaan ku heleen sanadkan oo qura $150-Milyan.
 
Garowe Online, Muqdisho

RELATED:
Dagaalada Muqdisho & Wariye la dilay
'Maxakimta waa burbureen'
Laba weriye la masaafuriyay

Advertisement
 

Analysis: Somalia aid tied to shaky government

EDITORS PICK:

Somalia: Ex-PM Gedi condemns insurgents, praises Puntland
NAIROBI, Kenya July 4 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us