Home
  Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
KLM Europa 2008
Last Updated: Jul 3, 2009 - 9:33:12 PM
Wararka
Villa Somalia oo la weerarey


Ugu yaraan 4-qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo rayid ayaa ku dhintay dagaal saakay waaberigii hore lagu qaaday Madaxtooyada Somalia [Villa Somalia], kaasoo u dhexeeyay Midowga Maxkamadaha iyo ciidamada DF.

Dagalka ayaa ahaa mid si isku mid ah uga qarxay degano ku dhowdhow Madaxtoyada ayaa waxaa ku dhaawacmay in ka badan 10-qof oo la dhigay Isbitaalka Madiina.

Garabyada dagaalamay ayaa waxay isku adeegsadeen madaafiic culus, kuwaasoo qaarkood ku dhacay xaafado ay rayid ku nool yihiin, oo ku dhowdhow Madaxtooyada iyo suuqa Bakaaraha.

"Xaafadeenu waa Tokiyo degmada H/wadaag, waxaa kusoo dhacay ilaa 8-madfac oo ka imaanaysay jihada dagaalka, waxayna sababeen dhimashada laba qof iyo dhaawacyada dhowr qof" ayuu yiri Cabdi Cumar oo la hadlay Warsidahan.

Madaafiic dhowr ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaceen xaafado ay rayid yar ku hareen ee ku dhow Madaxtooyada, iyadoo dadkii xaafadahaas ku sugnaa ay ka qaxeen guryahooda, waxayna sheegeen inay arkeen maydadka kooxihii dagaalamay.

Kooxda mucaaradka ah ee weerarka ku qaaday Madaxtooyada ayaan ka hadlin dagaalkaas, waxaase ka hadlay Col. Daahir Max'ed Xirsi oo ka dhawaajiyay inay dileen 5-ka mid ah mucaaradka; iyagana laga dhaawacay laba askari oo qura.

Dhanka kale, guriga Ra'iisul wasaaraha Somalia oo ay ilaalo ka hayeen kuwa Madaxtooyada ayaa lagu wargeliyay xalay inay halkaas ka guuraan, mana jiraan wax sabab ah oo la bixiyay.

Ilo wareedyo ku dhow Madaxtooyada ayaa u sheegay Garowe Online in ilaalada Nuur Cadde iyo kuwa C/llaahi Yuusuf ay ku sigteen inay dagaalamaan xalay, balse la dhexgalay, waxaana guriga amaankiisa la wareegay ciidamada AMISOM iyo kuwa Ethiopia.
 
Garowe Online, Muqdisho
RELATED:
Sarkal ka gostey Maxkamdaha oo hadley
Warbixin: Dagalka oo xogeystey
Madaxweynaha PL oo ka qayb galey xuskii 1 July Minnesota

Advertisement
 

Analysis: Somalia aid tied to shaky government

EDITORS PICK:

Somalia: Mogadishu violence, exodus continue for third day
MOGADISHU, Somalia July 3 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us