Madaxa Barnaamijka Cunada Aduunka ee [WFP] ayaa maanta soo saaray qoraal uu ku muujinayo sida uu uga xun yahay dil koonfurta Somalia loogu geystay sarkaal ka tirsan shaqaalahooda.
Mas'uulka la dilay ayaa ahaa Somali waxaana lagu magacaabi jiray C/qaadir Diyad Maxamed, kaasoo ku biiray hay'adda WFP bishii June ee sanadkan, ahaana mas'uul qaabisan dhaqaalaha iyo maamulka.
"Aad baan uga argagaxay dilka iyo weerarka naxariis-darada ah ee lala beegsaday mid ka mid ah shaqaalaheena laguna qaarijiyay" ayuu yiri Josette Sheeran oo ah madaxa gaarka ee WFP, isagoo intaas ku daray: "Waxaan tacsi u diraynaa qoyskiisii, qaraabadiisii iyo saaxiibadiisii gaarka ahaa".
Maxamed oo ahaa 33-jir, ayaa waxaa la qafaashay Jimcihii, xili uu booqasho u aaday qoyskiisa oo dagan Diinsoor, wuxuuna ka tagay xafiiskiisa KMG ah ee Waajid, waxaana la rumeysan yahay in lala dilay darawalkiisii oo aan ka mid ahayn shaqaalaha WFP, halka qof sadexaad oo la socday uu cagihiisa ku baxsaday.
WFP waxay sheegtay inaysan aamisanayn in dilka sarkaalkaan uu lug ku leeyahay ugaarsiga shaqaalaha gargaarka ee ka jira Somalia, halkaasoo lagu tilmaamo meelaha ugu khatarta badan caalamka.
Hay'adda ayaa sheegtay in falkaan uu noqonaya kii ugu horeeyay oo saraal darajo sare leh looga dilo Somalia tan iyo sanadkii 1993-kii, inkastoo shan ka mid ah darawalo hay'adaas u shaqeynayay la dilay tan iyo bilowgii sannadkaan.
WFP ayaa ku tilmaantay dhibaatooyinka ay kala kulanto Somalia kuwo ugu khatarta badan caalamka, waxaana socda qorshe ay ku doonayso inay ku quudiso dad gaaraya 2.4-Milyan oo qarka u saaran inay macluul u dhintaan.
Garowe Online, Baydhabo