Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
WFP oo iska difaacay eedeyn


Hay'adda WFP ayaa iska fogeysay eedeyn kaga timid gudi baaritaan ku sameeyay qaabka loo isticmaalo gargaarka la geeyo Somalia ee hay'adaas la marsiiyo, iyadoo haweeneyda ugu sareysan hay'adan ay sheegtay inay ogol yihiin in la sameeyo baaris guud.

Gudigan warbixintan gudbiyay ayaa waxay sheegeen in gargaarka loogu talogalay dadka baahan ee ku sugan koonfurta Somalia ay iibsadaan shaqsiyaad la shaqeeya WFP iyo shirkado qandaraaska ka qaata si ay raashinka u gudbiyaan, iyadoo lagu soo daray warbixinta in Al-shabaab ay gargaarka qayb ka qaadato.

"Waxaan diyaar u nahay in lagu sameeyo baaritaan qaabka aan raashinka u geyno Somalia, inagu waxaan xaqiijinaa in gargaarka aan gaarsiino dadka u baahan" ayay tiri Josette Sheeran oo ah madaxa WFP oo ku sugan Roma.

Sidoo kale mas'uushan waxay sheegtay in hay'adeedu ay mar walba koontarool ku sameyso gargaarka ay u dirtay Somalia, ayna gaarto dadkii u baahnaa, waxayse sheegtay in gargaar qaybinta ay u adeegsadaan hadba kooxda meeshaas ka talisa.

"Aduunka oo dhan waa ka caadi in goob dagaal uu ka jiro aad la kaashato qaybinta gargaarka cida ku awood badan, taasina ma ahan musuqmaasuq" ayay tiri Sheeran oo u hadashay WFP, iyadoo iska diiday in gaadiidka raashinka u gudbiya lagu raro hub iyo wixii la mid ah.

Dhanka kale, Ergayga UN-ka ee Somalia Ahmadou Ould-Abdallah oo wargeysi gaar ah siiyay Al-Jazeera ayaa sheegay inay baaritaano ku sameyn doonaan hay'adda WFP ay go'aan ka qaadan doonaan haddii ay dambiyadan ku cadaadaan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa laga codsaday in baaritaano lagu sameeyo gargaarka la geeyo Somalia, waxaana sidoo kale gudigan uu sheegay in hay'adaha kale ee UN-ka ay iyaguna lug ku yeeshaan musuqmaasuqyada dhaca.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us