Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
W. Amniga PL oo ka hadley amaanka


Wasiirka amniga Dowlada Puntland Gen.Yuusuf Axmed (Kheyr) oo haatan jooga magaalada Bosaso xarunta ganacsiga ayaa ka hadley arrimo ku aadan howl-galo amaanka lagu sugayo oo ka socda Bosaso & xaalada ciidamada Puntland ee Jooga jiida Galgala, mar uu Wasiirku u waramayey Barnaamijka Qoromada habeenimo Radio Garowe.

Gen.Yusuf Axmed Kheyr wasiirka amniga Puntland waxa uu sheegey in magaalada Bosaso ciidanka amaanku nabad-galyadeeda si wanaagsan uga shaqeynayaan maalmihii u danbeeyey, kadib markii in cabaar ah dadka magaaladu ka nasteen falal lagu khalkhal-galinayey amaanka kuwaas oo uu sheegey in kooxihii wadey dowladu dagaal adag la gashey islamarkaana dhowaan lasoo afjari doono..

Wasiirku waxaa uu intaa ku darey in ay jiraan dad wali ku dhex dhumanaya gudaha magaalada oo habeenadii lasoo dhaafey dad aan waxba galabsan dil u geystey, balse waxaa uu sheegey in uu jirro qorshe muhiim ah oo lagaga hortagayo waa sida uu yiri Mud. Yusuf Axmad Khayr oo u waramayey Radio Garowe.

Gen.Yuusuf oo wax laga weydiiyey dagaalka Galgala ee Dowlada Puntland la gashey kooxda xagjirka ah ee Buuraha ku dhuumaaleysanaya ayaa sheegey in ay soo afjareen baddi itaalkii ay lahaayeenna wiiqmey laakiinse jiraan firxad weli dhuumaaleysanaya.

DHAGEYSO wareysiga wasiirka amniga Puntland Yusuf Axmad Khayr



RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us