|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Jul 16, 2008 - 10:41:23 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
W. ganacsiga PL oo la kulmey ganacsato
11 May 11, 2008 - 1:19:03 AM
|
Wasiirka Ganacsi Puntland ayaa maanta la shiray Ganacsatada Warshadaha Biyaha Sifeeya ee magaalada Bosaaso.
Kulankaan oo ka dhacay Rugta Wasaarada ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo mideyn lahaa Warshadaha soo saara Biyaha si loo ogaado tayadooda.
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdi Samad Yuusuf( Abwaan) oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in muhiimadaiisu tahay sidii loo loo heli lahaa isku xirnaanta warshadahaan soo saara biyaha si waxsoosaarkooda u noqdo mid tayo leh.
 |
| Wasiirka ganacsiga |
Wasiirka ayaa sheegay inay dalka soo galaan biyo badan oo lagu farsameeyo Dibada kuwaasi oo aanu doonayo buu yiri inaanu hoos u dhigno iyada warshadaha gudaha laga rabi in waxsoosaarkooda kor u qaadaan isaga oo ku baaqey Ganacsatada biyaha ka keenta xiriir la yeeshaan Warshadaha ku yaala Gudaha.
Ganacsatadii shirkas joogtay ayaa iyana sheegay inay aad u soo dhawaynayan Kulankasi ay la qaateen mas'uuliyiinta Wasaarada Ganacsiga iyaga oo farta ku fiiqay inay lagama maar-maantahy in wax soo saarka Dalka la badiyo.
Garowe Online, Bosaaso
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|