Waa sidee amaanka Galkacayo? 1 Dec 1, 2012 - 10:27:19 AM
GAROWE ONLINE
Maamulka Gobolka Mudug iyo Taliska Booliska Puntland ayaa ka warbixiyey horumarka laga gaarey amaanka magaalada Galkacayo oo dhowaanahan dadweynuhu ka qayb qaateen sugida amaanka iyo xasiloonida gobolkaasi.
Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey iyo Taliye ku xigeenka Booliska Puntland Gen.Muxyadiin Axmed Aw-Muuse oo shir saxaafada maanta 01 December,2012 Galkacayo ugu qabtey ayaa ka waramay xaalada amaan ee gobolka guud ahaan.
Gudoomiye Tigey waxa uu mahadceliyey dadweynaha kala duwan eek u dhaqan gobolka Mudug sida ay uga qaybqaateen inay maamulka iyo laamaha amaanka kala shaqeeyaan amaanka iyo nabadgelyada Mudug.
Waxa uu kula dardaarmey bulshada Mudug inay sii wadaan ilaalinta amniga gobolka maadaama noloshu nabadgelyada ay ku xirantahay islamarkaasina dib bilicdii iyo horumarkii magaalada ugu soo laabato iyo mashaariicdii horumarineed.
‘’Markii Amni la helo ayaa nolol la helayaa ,markii amni la helo ayaa horumar la helayaa’’ ayuu yiri gudoomiye Tigey.
Dhankiisa ayaa Gen.Muxyadiin ayaa xusey in amaanka gobolka Mudug meel wanaagsan uu marayo haatan ka dib hawlgalo ay ciidanku sameeyeen iyo shabakado ay furfureen.
Digniin ayuu u direy dadweynaha taliyuhu oo ku aadan Hubka magaalada lala dhexmarayo iyo Bacaha madow ee gaadiidka lagu xiro oo ganaax iyo kala wareegitaan isku jira.
Meel kasta oo ay galaan danbilayaashu ayuu tilmaamay taliyuhu inay uga daba tagi doonaan ,isagoona xusey in dadweynaha la’aantood aan laga guul gaari karin kooxaha qaswadayaasha ah .
Magaalada Galkacayo ayaa ciidamada amaanka Puntland waxay gacanta ku dhigeen nabadgelyadiisa ,waxana dib ugu soo laabatay caweyntii iyo noloshii gaar ahaan xiliyada habeenkii oo dadku horey u xaroon jireen.
Hakan ka dhageyso codadka Gudoomiyaha Mudug & T/xigeenka Booliska