|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Wadanka Eritrea oo iska fogeeyey ururka Al-shabaab
19 Mar 19, 2010 - 8:18:43 PM
|
Dowlada Eritrea ayaa iska fogeysay inay taageerto kooxaha dagaalka kula jira DF, iyadoo sheegtay inaysan jirin wax xiriir ah oo ay la leedahay, waxaana lagu sheegay hadal kasoo baxay wasaarada arimaha dibada dalkaas in wararkaas ay been yihiin.
Guddi dhawaan warbixin ka qoray Somalia ayaa sheegay in dalka Eritrea ay weli wado taageerada ay siiso Al-shabaab iyo Xisbul Islam, ayna weli hub sharci-daro ah geyso dalka Somalia.
"Ma jirto koox ka mid ah kooxaha ku dagaalamaya Somalia oo aan taagero siino" ayuu yiri wasiirka arimaha dibada ee dalka Eritrea Cismaan Saalax oo ka hadlay Asmara, isagoo intaa raaciyay: "Wararka lagu baahiyay qoraalkii laga sameeyay waa been abuur".
Golaha Amaanka ee UN-ka ayaa [Dec 2009] kusoo rogay dalka Eritrea cunoqabteyn kadib markii lagu eedeeyay inay taageero isugu jirta, dhaqaale, hub iyo tababar ay siiso kooxaha dagaalka kula jira Dowlada Sh. Shariif.
Wasiirku wuxuu sheegay in dalkiisu uusan wax lug ah ku lahayn dagaalada ka jira Somalia, isagoo ku sheegay wararka gudigu ay ururiyeen kuwo laga soo xigtay cadowga dalka Eritrea.
Eritrea ayaa dhowr jeer oo hore u sheegtay inaysan gacansaar la lahayn kooxaha ka dagaalama Somalia, waxaase cunoqabateyntii lagu soo rogay si xoogan u hor-yimid Xisbul Islam oo uu hogaamiyo Sh. Xasan Daahir Aweys, iyagoo ku tilmaamay fal cadaawadeed.
Madaxweyne Sh. Shariif ayaa dhawaan ku eedeeyay Eritrea inay weli taageero siiso kooxaha xukuumadiisa dagaalka kula jira, isagoo taageeray warbixintii gudigu ka diyaariyay dalka Eritrea, kuna tilmaamay mid sax ah.
Xukuumada Asmara ayaa horay isaga fogeysay eedeymo noocan oo kale ah oo ay u soo jeediyeen dalalka reer galbeed gaar ahaan Mareykanka, iyagoo markaas sheegay inay u keeni karto dhibaato.
GAROWE ONLINE
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|