Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Wafdi UK oo gaaray Hargaysa


Wefti ka socda wadanka Ingiriiska (UK) oo booqasho ku yimi magaalada Hargeysa ayaa maanta la kulmay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa hadaba wixii lagaga wada hadlay kulankaasi waxa war ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Md Cabdilaahi Cukuse waxana isaga oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska Garowe Online ee magaalada Hargeysa uu u qornaa sidan:

"Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefti saddex Xubnood ka kooban oo uu hogaaminaayo Safiirka ingiriiska u fadhiya Addis-Ababa.

Weftigin oo u jeedada socdaalkoodu ahaa sii adkaynta xidhiidhka u dhexeeya labada Waddan ee somalialnd iyo Ingiriiska  iyo u kuur-gelida waxyaalaha ugu haboon ee ay iska kaashan karaan labada dhinac.

Madaxwaynaha  JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa weftigan si mug leh ugu faahfaahiyey Siyaasada Xukuumada Cusub ee Horumarinta Dhinacyada Nabadgelyada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo wixii la mida.

Madaxweynuhu wax auu ku nuux-nuuxsaday sida ay Xukuumadiisa uga go'antahay in ay Wadamada Deriska iyo Beesha Caalamkaba kala Shaqayso Adkaynta Nabadgelyada Gobolka iyo ka hortaga Argagixsada iyo Budhcad badeeda.

Waxa uu Madaxaweynuhu weftiga u xaqiijiyey in ay Somaliland u bisishahay in ay ku talaabsato Horu-marin isla markaana ay u baahantahay in ay beesha Caalamku gacan ka siiso.

Madaxa Weftiga Ambassador Mr. Norman Ling oo ay wehelinayeen Matt Woods Ku xigeenka Xog-hayaha Safaarada Ingiriiska ee Ethiopia iyo Jonathan Hargeaves oo ah madaxa DFID ee Nairobi ayaa Somaliland iyo Madaxwaynahaba ku hambalyeeyey Doorashadii dalka ka qabsoontay  26 June ee Sannadkan.

Safiirku waxa uu sheegay in ay Doorashadaasi Somaliland Mustaweheeda kor u qaaday isla markaana ay indhaha Caalamka ku soo Jeedisay, Dawladiisa iyo Midawga Yurub-na ay diyaar u yihiin in ay ka teegeeraan Somaliland Dhinacyada Horu-marka Nabad-gelyada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Caafimaadka, Wax-barashada iyo Geedi socodka Dimiquraadiyada."

Maxamed Jamaal
Garowe Online
Hargaysa

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us