Xarunta Madaxtoyada ayaa waxa ku qaabiley Madaxweyne ku xigeenka Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo xubno wasiiro ah oo halkaasi kulan saacado qaatey ku yeeshey.
Waxyaabaha ay ka wada hadleen ayaa lagu sheegey Xuquuqda Aadanah ,Dimoqraadiyada oo Puntland ay ku amaaneen hirgelinta nidaamka Axsaabta badan iyo weli xaalada nololeed ee Barakacayaasha iyo haweenka gaar ahaan gudniinka Fricooniga.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Eng.Maxamuud Caydiid Dirir ayaa shirka ka dib saxaafada la hadlay oo ka warbixiyey waxyaabihiii laba dhinac ay ka hadleen.
Midowga Yurub oo lacag badan ugu deeqey Somalia ayaa mashaariic horumarineed oo kala duwan ka fulinaya Puntland sida dhismaha xabsiyada ,deegaanka iyo la-dagaalanka burcad badeeda.
Halkan ka dhagayso warbixinta uu Cawil Cali Jamac diyaarshay