Waftigaasi ayaa waxa
looga hor-tegay ,meel magaalada u Jirta 15-KM waxana Dadkii soo
dhaweeyay ka mid ahaa Cuqaasha magaalada, iyo siyaasiyiinta gobolka
Hayland.
Waftigaas oo war-kooban siiyay shacabkii Reer Hayland ee
Dhahar ayaa xusey in booqashadoodu salka ku hayso is xog waraysi
bulshada dhexdeeda ah.
Waftigaasi oo markii ay magaalada Dhahar
soo gaadheen gudaheed shir kooban qabtay waxay sheegeen in Dowlada
Puntland ay ay ka sidaan fariin ah hirgalinta maamulka gobolka Hayland
iyo sidii Bulshada gobolkaasi ay ula Jaan qaadi lahaayeen nidaamka
xisbiyada badan oo Dowlada Madaxwayne C/raxmaan Faroole ay horay u
balan qaaday.
Gudoomiyaha gobolka Hayland Maxamed Faarax
[Jeentaro] oo xusay inay ku faraxsanyihiin soo dhawaynta waftigaasi,
wuxuu sheegay isaga oo afka maamulka gobolka Hayland ku hadlaya inay
tani tahay Guul mar hadii Dowlada PL ay ka run sheegtay nidaamkii
Xisbiyada badan.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Puntland Siciid
Xasan Shire oo waftigaasi Booqashada Hayland ku yimi Hormuud u ahaa ayaa
ka sheekeeyay ujeedka safarkooda isla markaana ay qayb wayn ka yihiin
wufuud badan oo Dowlada PL u kala Dirtay sideeda gobol ee PL ka kooban
tahay kuwaasi oo bulshada ay matalaan kala hadlaya sidii dadka loo
gaadhsiin lahaa nidaamka Xisbiyada badan.
Wasiirka ayaa ku
dheeraaday in Madaxwaynaha Puntland uu ahmiyada koowaad siinayo
hirgalinta nidaamka Xisbiyada badan isla markaana laga gudbayo hab
qaybsigii qabiilka.
Wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha
Puntland Siciid Daahir Qodax oo shirkaasi hadal ka so Jeediyay ayaa
dhankiisa xusay inuu ku Faraxsanyahay sida wanaagsan ee loogu soo
dhaweeyay degmada Dhahar ee xarunta Gobolka Hayland.
Guud ahaan dadkii Halkaasi ka hadlay ayaa isku raacay inay taageeranyihiin Xisbiga talada dalka haya ee Horseed.
Isku
soo wada duuboo Dowlada Puntland ayaa Wasiiro iyo xildhibaano u dirtay
Guud ahaan Gobolada Puntland waxana ujeedkaasi uu salka ku hayaa sidii
shacabka looga dhaadhicin lahaa Xxsbiga Horseed oo ah kan Dowlada.