From Garoweonline.com
Shirka Jabuuti oo berri la filayo in si rasmi ah u furmo
By
May 10, 2008 - 9:47:22 PM
Wararka
laga helayo Dalka Jabuuti ayaa waxay daboolka ka qaadayaan in xubnaha
ka socda Qarammada Midoobay ay shaaciyeen in dhinacyadu ay sidii hore
isaga soo dhawaadeen lana filayo inuu berri si rasmi ah u furmo kulanka
u dhexeeya DF iyo Mucaaradkeeda.
Ergada UN-ka ayaa u
sheegay warfidiyeenka ku sugan dalka Jabuuti in dhinacyada lagu wado
inay kulmaan ay inta badan kasoo dabceen mowqifyadoodii hore kuwaasoo
lagu macneeyay inay hakiyeen furmidda shirka Jabuut oo Sabtidii furmi
lahaa.
Waxaa baaqday shir jara'id oo ay qaban lahayeen xubnaha UN-ka ee shirka
gardadinaya iyo ergooyinka dhinacyada lagu wado inay is-horfariistaan,
iyadoo saxafiiin ku ururay Hotelka lagu wado inuu shirku ka furmo loo
sheegay inuu shirkaas jaraa'id baaqday.
Waxyaabaha shirkaas jaraa'id lagu shaacin lahaa ayaa ah qaabka uu
shirku u qabsoomayo iyo ajandayaasha looga hadli doono iyadoo la xusay
in labada dhinac ay weli wadaan kulammo iyaga u gaar ah.
Ergooyinka Maxkamadaha ayaa waxay weli ku dhagan yihiin qodob ah in loo
sheego sida looga saarayo dalka ciidamada Ethiopia inta uusan shirku
furmin, balse xubnaha UN-ku ay horay u sheegeen in fikradaha ay kala
taagan yihiin dhinacyada lagu soo qaadayo shirka ayna iyagu ka
heshiinayaan.
Sidoo kale ergada DF u matalaya shirka ayaa waxay iyaguna sheegeen inay
doonayaan in loo caddeeyo waxa badali kara ciidamada Ethiopia haddii ay
baxaan iyo in aan laga hadlin ciidamada Ethiopia bixitaankooda inta
heshiis laga gaarayo xurgufta jirta.
Warar laga helayo Jabuuti ayaa waxay xaqiijinayaan in labada dhinac ay
diyaar u yihiin inay wadahadlaan, isla markaana ay go'aanno ku gaaraan
shirkooda, waxaana wadahadalladan lagu soo qaadi doonaa dib u
heshiisiinta iyadoo lagu gaari doono xabbad-joojin ka hirgasha gudaha
dalka Somalia.
Xubno ka tirsan Maxkamadaha iyo Al-Shabaab oo ku sugan Muqdisho ayaa
waxay u sheegeen Warsidaha Garowe Online in sababaha shirka Jabuuti ay
hakadka u gelinayeen ay tahay inay ka hadlaan labada garab oo u khilaaf
u dhexeeyay sidii ay isku mowqif uga noqon lahaayeen waxa kasoo baxa
Shirka Jabuuti; iyadoo ilahaan ay sheegeen in la isku raacay in la
tixgeliyo qodobbada kasoo baxa Shirka berri loo madlan yahay.
Ergayga gaarka ee UN-ka u qaabilsan Arrimaha Somalia Ahmadou
Ould-Abdalla oo waday dadaallo uu isugu soo dhaweynayay dhinacyada DF
iyo mucaaradka ayaa u sheegay warbaahinta ku howlan shirka Jabuuti inay
dhammaadeen dadaalladii la isugu soo dhaweynayay dhinacyada laguna wado
in shirku uu furmo Berri oo Isniin ah.
Shirka Jabuuti ayay shacabka Soomaaliyeed indhaha ku hayaan iyagoo
sugaya waxa kasoo baxa; waxayna shacabku qabaan rajo wanaagsan oo ah in
shirka lagu gaari doono heshiis lagu dhammeynayo khilaafka jira.
Warar dheeraad ah
Xubnaha
DF uga qaybgalaya shirka Jabuuti iyo kuwa mucaradka ayaa waxay labaduba
rajo wanaagsan ka muujiyeen qabsoomidda shirka ka furmaya maalmaha soo
socda dalka Jabuuti.
Wasiirka Dib u heshiisiinta Somalia
C/risaaq Ashkir oo hoggaaminaya ergada DF uga qaybgalaysa shirka ayaa u
sheegay saxaafadda in dib u dhaca shirka ku yimid uusan ahayn mid ay ka
dambeyso DF, balse ay rajo wanaagsan ka qabaan inuu shirku qabsoomo.
"Kulammo kala duwan ayaa jira, waxana kulammadaas kaddib rajeynaynaa
inuu shirka qabsoomo" sidaa ayuu C/risaaq Ashkir u sheegay warfidiyeen
kusoo ururay Hotelka ay ergada Dowladdu ka daggan yihiin Magaalada
Jabuuti.
Dhanka Mucaaradka oo ku adkeysanaya inay u yimaadeen Jabuuti sidii ay
ula kulmi lahaayeen Qarammada Midoobay, ayaa waxaa u hadlay Sheekh
Xasan Caynte oo ka tirsan Isbahaysiga Asmara, isagoo sheegay in
xaaladdu ay tahay mid wanaagsan isla markaana uu shirku qabsoomayo.
"Annagu waxaan markii hore u nimid Jabuuti inaan la kulanno Qarammada
Midoobay iyo ergooyinkooda, balse waxaan hadda rajeynaynaa inaan la
kulanno xubno ka socda DF oo la sheegay inay ku sugan yihiin Jabuuti"
ayuu Sheekh Xasan Caynte ugu sheegay khadka Taleefoonka Idaacado ka
howlgala Muqdisho.
Ergayga UN-ka u qaabilsan Somalia Ould-Abdalla ayaa xalay oo dhan waday
kulammo kala duwan oo ku saabsan sidii uu isugu keeni lahaan DF iyo
mucaradkeeda; wuxuuna u sheegay warbaahiyeyaal ku sugan Jabuuti in
shirka uu qabsoomayo maalinta Isniinta ah, isagoo xusay inay socdaan
kulammo kala duwan oo ku aaddan sidii shirkaas uu ku qabsoomi lahaa.
Ilo wareedyo ku sugan Jabuti ayaa waxay dhankooda sheegeen inay socdaan
dadaallo lagu doonayo in lagu isku soo horfariisiyo Dowladda iyo
mucaaradka, iyadoo xalaaddu tahay mid ka wanaagsan sidii hore.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah hoggaaminaya Isbahaysiga Asmara ayaa
wuxuu sheegay in ajandaha uusan ugu jirin inay la kulmaan Dowladda,
isagoo ku macneeyay DF inay tahay mid aan jirin oo dalka ay haystaan
ciidamo Ethiopian ah.
Dhanka kale, Odayaasha Hawiye oo saxaafadda la hadlay ayaa waxay
sheegeen in DF ay ka dambeyso dib u dhaca shirka, iyagoo aan sheegin
sabab cad.
Shirkan ayay Jamciyadda Quruumaha ka dhexeysa ku doonaysaa inay
isku-fahamsiiso Dowladda Somalia iyo kooxaha hubeysan ee ka horjeeda,
si loo dhameeyo khilaafka dagaallada wata ee ka jira Somalia.
Warar dheraad ah
Ilaa xalay waxaa magaalada Jabuuti ka socday kulamo gooni gooni ah kuwaas oo qolo walba dhinaceeda [DF & Mucaaradka] arkayeen wakiilka QM iyo xubnaha kale ee beesha caalamka.
Wafitga ka socday ururka la magac baxay Isbaheysiga dib-u xoreynta oo culeys badan saarnaa ayaa xalay kulamo waqti badan qaatey ku lahaa Hotelka ay ka daganyihiin magaalada Jabuuti.
Xubnahaan ayaa xiriiro taleefan oo waqti badan qaatey la yeeshay dhigooda kale oo ku sugan Asmara kuwaas oo kaga arinsanayey talabada ay qaadi doonaan iyada wararka sheegayaan in ay ku-kala fikarad duwaanaayeen qaabka ay ugu qeyb galayaan shirka Jabuuti.
Dhinaca kale Waftiga DFKMG ah oo ku suganaa goobihii ay ka daganaayeen Jabuuti ayaa sidoo kale halkaas wadatashiyo gaar ah ku yeeshay.
Ergeyga QM u qabislan arrimaha Somalia ayaa la filayaa in maanta uu kulan la yeesho xubnaha kaga sugan Isbaheysiga magaalada Jabuuti.
Lama oga xiliga shirkaan furmayo iyada oo warar aan la xaqiijin shegaayaan suurtagal-nimada in Labo casho dib loo dhigo iyada oo QM xaawileyso qaabkii ay loo xalin lahaa diidmada mucaaradka.
Sheekh Shariif oo wareysi hordhac siiyey BBC maalintii shaley ayaa sheegey in Isbaheysigiisu aqoonsaneyn DFKMG ah isla markaana wax wadahadal aysan galeyn inta ciidamada Ethiopia ku sugan yihiin Somalia.
Isbadalkaan ku-yimid mowqifka Sheekh Shariif ayaa warar GO ka heley Asmara sheegayaan in yimid kadib markii xukumada Eriteria culeys ku saartey Isbaheysiga in shirkaan qaadacaan.
Isbaheysiga Asmara ayaa ayaa ku kala fikir duwan iyada oo xubno ku sugan Jabuuti u sheegeen Garowe Online in ay wanagsan tahay in xal laga gaaro khilaafka siyasadeed ee Somalia.
DF ah ayaa sidoo kale warar soo baxaya sheegayaan in ay isku khilaafeen qaabka loo xulayo ergada kulanka Jabuuti uga qayb galeysa dowlada iyada oo Ra'isal Wasaare Nur Cadde beeniyay wareysi BBC-du la yeelatey.
Wararkaan ayaa intaas ku daraya in wadahadal kadib lagu xaliyey khilafkaas in waftiga dowlada ka koobnaado sida xubnaha uga sareeya dowlada ugu kala fikir duwan yihiin qaabka loo mari doono dib-u-heshisiinta.
Magacyada Ergada DF
Wasiirka dib u heshiisiinta; Cabdirisaaq Ashkir Cabdi
Wasiirka Maaliyadda; Maxamed Cali Xaamud
Wasiirka dib u dhiska; Nuur Iidow Beyle
Xildhibaan; Cabdalla Boos Axmed
Xildhibaan; C/llaahi Shiikh Ismaaciil
Xildhibaan; Maxamed Maxamuud Xeyd
Xildhibaan; C/raxmaan Jaamac
Mudane Ismaaciil M. Muuse &
Mudane; Ibrahim Garabey
Garowe Online, Muqdisho
http://www.garoweonline.com