Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Warbixin: Dagalka oo xogeystey


Ugu yaraan 20-qof ayaa ku dhintay 60-kalena way ku dhaawacmeen dagaal u dhexeeya ciidanka DFKM iyo kooxaha ka horjeeda oo maanta [Jul 02] dib uga bilowday Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka Kaaraan, C/casiis iyo Yaaqshiid.

Dadka dhintay iyo kuwa dhawacmay ayaa waxay ka tirsanaa ciidamada dagaalamaya iyadoo labada dhinac la xaqiijiyay in kooxiba kooxda kale dhawacyadoda ay qadayen iyagoo geynaya goobaha caafimaadka si loo daweeyo.

Ciidamada AMISOM ayaa dagaalka maanta oo bilowday duhurkii kaga qaybqaatay madaafiicda goobta, iyadoo gantaalo ka imaanaya dhinaca Xisbul Islam iyo Al-shabaab ay ku dhacayeen saldhigyad AMISOM ee degmada Shingaani, sida dekedii hore ee Muqdisho.

Dhaawacyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo lagu waday gaadiidkooda caafimaadka ayaa la marsiinayay wadooyinka waaweyn ee Muqdisho, gaar ahaan wadada Maka-Al-mukaraham oo halbowle u ah isticmaalka ciidanka Afrika iyo saraakiisha dowlada.

Madfac ku dhacay xaafada Sanca ee degmada Yaaqshiid ayaa dilay 2-qof oo rayid ah, isla markaana dhaawacay 8-kale oo la rumeysan yahay inay intooda badan kasoo jeedaan hal qoys, waxayna dadkan ku socdeen guri shub ah si ay madaafiicda uga gabaadsadaan.

Garaash lagu kaydiyo shidaalka ayaa isagana ku gubtay degmada Kaaraan, kadib markii uu ku dhacay madaafiicdii la isku dhaafsanayay aagaga dagaalka, wuxuuna dagaalka maanta daba socday mid shalay [Jul 01] dhacay oo dhaliyay khasaare badan.

"Dagaalka maanta wuxuu yimid markii weerar lagu qaaday saldhigyo ay ciidamadeenu ku sugnaayeen, waxaana ka gaartay guulo la taaban karo... dhankeena waa jirtaa khasaare, balse waxaa naga badan mida aan gaarsiinayay kooxda Jabuuti" ayuu warfidiyeenka u sheegay Afhayeenka Xisbul Islaam Sh. Muuse Cabdi Caraale.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada DFKM ay dib uga soo baxeen goobo ay horay ugu sugnaayeen, iyadoo kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul Islaam ay ku sugan yihiin goobo cusub, balse lagu garaacayo madaafiic aad u xoogan.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhanka dowlada oo dagaalkan ku saabsan, waxaana dagaalka maanta iyo kii shalay ay noqonayaan kuwii ugu xooganaa uguna khasaaraha badnaa ee ka dhacay Muqdisho labadii todobaad ee ugu dambeeyay, iyadoo guud ahaan dagaaladan ay ku dhinteen 37-qof,halka ay ku dhaawacmeen 110-qof.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us