Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Gargaarka Somalia oo la leexsado


Gudi u xilsaaran baarista gargaarka aadamnimo ee Somalia loogu deeqo ayaa sheegay in hay'adaha gargaarka iyo qandaraaslayaasha la shaqeeya ay leexsadaan gargaarka loogu talogalay dadka ku dhibaateysan gudaha dalka Somalia.

Sarkaal ka tisran gudigan oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in gargaarka loogu talogalay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed laga iibsado suuqyada dalka, sidoo kalena qayb laga siiyo kooxaha dowlada kasoo horjeeda sida Al-Shabaab.

Warbixintan ayaa loogu baaqay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay inay baaritaanno ku sameyso hay'adda WFP, si looga daba-tago halka ay ku baxaan gargaarka loogu talogalay Somalia.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka DF Prof. Max'ed Cumar Dalxa ayaa dhawaan ku eedeeyay hay'adaha gargaarka ee UN-ka inay musuqmaasuqaan gargaarka loogu talogalay in lagu caawiyo shacabka Somalia.

"Hay'adaha UN-ku waxay lacagihii loogu talogalay gargaarka Somalia ku kirsteen xafiisyo, waxayna ku iibsadaan gaadiid qurux badan, iyadoo dadkii loogu talogalay ay ku dhibaateysan yihiin gudaha dalka" ayuu yiri Prof. Dalxa.

Kooxda Al-shabaab ayay shegeen gudigan in gargaarka ay ka helaan lacago badan oo ay ku dagaalamaan, waxayna golaha amaanka ka dalbadeen in qaraar laga soo saaro arintan oo ay sheegeen inay tahay mid aad loola yaabo.

Dowlada Mareykanka ayaa horay u joojisay gargaarkii ay ku bixin jirtay Somalia, iyadoo sabab uga dhigtay inuu gacanta u galo kooxda Al-shabaab iyo kooxda kale ee ay xulufada yihiin ee Xisbul Islam.
 
GAROWE ONLINE

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us