Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Jun 14, 2010 - 8:03:37 PM
Wararka
Khatar ku wajahan Caruur&Haween


Hay'adda FSNAU oo baaritaano dhinaca caafimaadka ah ka sameysay Somalia ayaa sheegtay in Haweenka iyo Caruurta Somalia ku nool ay haysto nafaqo-daro aad u baahsan, ayna qarka u saaran yihiin macluul.

Warbixinta ay hay'addu soo saartay Jimcihii [May 07] ayay ku sheegtay in 50% haweenka Somalia ay haysato nafaqo-daro, taasoo ka dhalatay Vitamin la'aan, sidoo kalena 30% caruurta gaaray xiliyada Iskuulka iyo 60% caruurta ay da'doodu ka hoosayso 5-sano ay lasoo daristay nafaqo daro.

"Nafaqo-darada ka jirta Somalia waxay sababi kartaa inay dhashaan cuduro aan la daweyn karin; iyo dhimasho deg-deg ah" ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay Hay'adda FSNAU.

Baaritaanka ayaa muujinaya in sadex-meelood laba-meel caruurta iyo kala bar haweenka ay nafaqo-daradu hayso ay jirkooda ka maqan yihiin maadada Vitamin A oo muhiim u ah koritaanka iyo difaaca jirka.

Dagaalada ka socda Somalia ayaa la sheegay inay sabab u yihiin nafaqo-daradan iyadoo dadka lagu sameeyay baaritaanka ay intooda badan ku nool yihiin Gobolada koonfureed ee Somalia, halkaasoo laga joojiyay gargaarkii ay hay'aduhu bixin jireen.

"Waxaa nafaqada ka maqan dadkan laga heli karaa cunnada sida: Hilibka, Ukunta, Kaluunka, Qudaarta, Miraha-geedaha, kuwaasoo qaali ku ah dadka aan hantida haysan inay iibsadaan" ayaa lagu yiri warbixinta.

Haweenka ayaa la sheegay in nafaqodarada ay u horseedi karto khatar soo wajahda xiliyada ay uurka leeyihiin iyo marka ay dhalayaan; sidoo kalena ay ku keeni karto cuduro halis ah oo dila.

Vitamin A la'aanta ayaa la sheegay inay sababi karto Indho la'aan, iyadoo nafaqo darada ay tahay mid la daweyn karo, waxaan sidoo kale caruur ay si fudud ku qaadi karaan cuduro ay ka mid yihiin Jadeecada.

Haya'dda FSNAU, waxay sheegtay in baaritaankan ay ka sameysay Somalia ay soo bilowday [Mar 2009 - Mar 2010], waxaana hay'addan ay la shaqeysaa Barjaamijka Cunnada Adduunka Qaramada Midoobay ee FAO.
 
GAROWE ONLINE

RELATED:
Sharmake oo ku sugan Nairobi
Ciidanka DFKMG oo gadood sameeyay
M. Shariif oo xilka ka qaadey taliyaha ciidanka xoogga

Advertisement
 

Puntland President Holding Key Meetings in Ethiopia [Press Release]

EDITORS PICK:

President Sharif fires military chief after missing weapons scandal
Somalia Sep 6, 2010 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us