From Garoweonline.com

Wararka
Warbixin: Safaraddii M/weynaha PL
By
Jan 29, 2010 - 5:47:01 AM

Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka arrimaha gudaha Ilkajir oo la kulmaya ra'isal wasaraha libiya
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole oo muddo labo asbuuc ah safaro ku marayey Ethiopia Libiya iyo Jabuti ayaa waxaa uu maanta Jan 29,2010 aqalka Madaxtooyada kula kulmey Madaxweynaha Jamhuriyada Jabuti Ismaciil Cumar Geele.

Mud. Farole iyo Mud. Geele ayaa kulankooda diiradda ku saarey xaalada Somalia ka taagan iyo sidii xal loogu heli lahaa iyada la wada ogsoon yahay in dowladda Jabuti kaalin weyn ka caayaartey  sidii xal loogu heli xarbi-ahliga Somalia ka socdey mudada 21-ka sano ah.

Madaxweynaha Puntland oo ka baxaya hotelkii uu ka daganaa Triboli
Madaxweyne Farole ayaa hoogamiyaha dalka Jabuti sidoo kale ka codsadey in xaalada Somalia ka tagaan muhiimad koowaad laga siiyo shirka ururka midowga Afrika uga furmi doona magaalada Addis-Ababa. Madaxweynaha Jabuti ismaaciil Cumar Geele oo maanta 29 Jan,2010 u ambabaxaya dalka Ethiopia ayaa sheegey in amaanka mandaqada guud ahaan khatar ku jiro hadii aan xal deg-deg ah loo helin xaalada cakarin ee ka taagan Somali gaar ahaan Koonfurta halkaas oo daagaalo xoogan ka socdaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqey in amni darada maalmahaan kasoo korortey Puntland iyo Somaliland salka ku hayso xaalada ka sii dareysa ee ka taagan Koonfurta & gobolada dhexe ee Somalia tasoo cabsi weyn laga qabo  iney saameyn ku yeelato Jabuti iyo wadamada dariska badda kala ah sida Yamen.

Madaxweynaha Puntland oo ka ambaxaya libiya & sarkal ka tirsan arrimaha dibada oo la raacaya dayuurada
Dhinaca kale safarkii Madaxweynaha Puntland ku tagey dalka Ethiopia ayaa guul ku soo dhamaadey iyada oo uu halkaas kula kulmey madaxda dalkaas iyo safiirada hay'adaha caalmiga ah ka jooga Addis Ababa. Kulamada Farole la yeeshey Ethiopia ayaa ka hadlayey xaalka Somalia iyo kaalinta Ethiopia kaga jirto xal u helidiisa iyada oo la sheegey inuu muhiim yahay xiriirka u dhexeeya Puntland iyo Ethiopia.

Safarkii Madaxweynaha Puntland ku tagey dalka Libiya ayaa dhinaca kale  kusoo dhamaadey guul isaga oo la kulmey  Ra'isal wasaaraha iyo Madaxweyne Qadafi kuwasoo kawada hadley arrimaha Somalia. Madaxweynaha Puntland ayaa madaxda dalkaas kala hadley sidii Puntland u tageeri lahaayeen iyada oo uu xusey in dalka Libiya qayb libaax ka qaatey xiligii dhidaba loo aasayey maamulka Puntland.

Madaxda Libiya oo uu Madaxweyne Qadafi ugu horeeyo ayaa balan qaadey inuu tageeri doono maamulka Puntland iyo guud ahaan Somalia.

Mamulka Puntland ayaa waxaa ka go'an sidii codka shacabka ku dhaqan mandaqada u garsiin lahaa calamka isaga oo geed gaaban iyo mid dheer u fuuli doona madaama ay yihiin kuwo nabadda iyo hurumarka jecel..

Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland


http://www.garoweonline.com