|
|
|
|
| Last Updated: Oct 8, 2008 - 8:33:12 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Wariye Cabdala oo lagu aasay Muqdisho
24 Jul 24, 2008 - 9:09:49 AM
|
Waxaa maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho Allaha u naxariistee Wariye Ustaad Cabdalla Nuuraadiin Axmed oo xanuun dhanka wadnaha ugu geriyooday shalay galinkii dambe [July 23, 208] Degmada Shibis oo uu daganaa.
C/lla ayaa waxaa geridiisu ahayd mid ay si weyn uga naxen bahda saxafada iyo bahda fanka Soomaaliyeed isagoo ka wada tirsanaa labada dhinac, waxaana lagu aasay Qabuuraha Sh.Cali Cabdulle oo Muqdisho kaga yaalla dhanka waqooyi.
"Maalmihii ugu dambeeya wuxuu xanuunsanaa, wuxuuna qabay cudurka dhiig-karka isaga ayaana filaynaa inuu u dhintay, mana jirto xanuun kale oo aan ku ogeyn" sidaa waxaa tiri walaashiis Sabiibo Nuuradiin Axmed oo ka warbixinaysay geerida Marxuum Nuuradiin.
Sabiibo oo ka hadlaysay Taariikhada Marxuum C/lla Nuuraadiin Axmed ayaa sheegay inuu ku dhashay degmada Jigjiga ee ismaamulka Somalia, isaga oo yarna la keenay Muqdisho, isagoo waxbarashadiisii kala duwanayd ku dhameystay Muqdisho.
"Walaalkey da'diisu waxay ahayd 60-jir, wuxuna ka mid ahaa bahda saxaafada, isagoo kasoo shaqeeyay idaacadii Radio Muqdisho sanadihii 60-dameeyadii, wuxuuna hadda ka tirsanaa idaacada HornAfrik FM oo ka mid ah kuwa Muqdisho ka howlgala" ayay tiri Sabiibo oo mar kale ka hadlaysay Taariikhda Marxuum C/lla.
Marxuun C/lla Nuuradiin ayaa lagu yaqaanay hab saxaafadeed aad u heer sareya iyo xayeysiino, wuxuuna dhanka kale ahaa diyaariyaha barnaamijiyo diini ah iyo kuwa maaweelada oo ka bixi jiray isla idaacadii uu ka tirsnaa.
Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo ka mid ahaa Milkiilayaasha Idaacada HornAfrik FM ee Muqdisho oo ka hadlay geerida Ustaad C/lla ayaa sheegay inuu aad uga naxay markii uu maqlay warka sheegaya inuu dhintay marxuumka, isagoo xusay inuu ahaa shaqsi aad u wanaagsan oo dadka karaameeya.
Aaska Marxuum Nuuradiin ayaa waxaa ka qaybgalay dadweyne fara badan oo ay ka mid yihiin wariyeyaasha iyo fanaaniinta Soomaaliyeed ee Muqdisho ku sugan maadaama uu ahaa mu'alif dhanka heesaha iyo ruwaayadaha ah.
Marxuumka ayaa ifka kaga tagay 6-caruur ah oo 4-ka mid ah ay yihiin wiilal iyo laba gabadhood, iyadoo sadex ka mid ah ay ku nool yihiin Magaalada Sanca ee dalka Yemen oo uu asal ahaan kasoo jeeday iyo sadex ku nool Muqdisho.
Garowe Online, Muqdisho
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|