Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Wasiir ka hadlay Safarkiisii Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhiga DF ayaa ka hadlay safar uu ku tagay Baydhabo isagoo sheegay inuu u kuurgalayay xaalada Ciidamada sidoo kalena uu kulamo la yeeshay Saraakiisha Ethiopia, kuwa AMISOM iyo Maamulka Gobolka Bay.

Cabdixakiin Maxamuud X. Fiqi oo saxaafada kula hadlay markii uu dib ugu soo laabtay maanta Muqdisho ayaa sheegay in safarkiisa oo qaatay laba casho uu ahaa mid lagu guuleysatay.

“Shacabka Baydhabo waa kuwo dowladnimo jacayl ay ka muuqato, waxaana u kuurgalay xaalada Ciidamada, dhawaan waxaan bilaabaynaa musaharaad aan siinayno ciidamada DF ee u sugan Gobolada Bay iyo Bakool” ayuu yiri Fiqi oo intaas ku daray inuu la kulmay saraakiisha hogaamiyaha ciidamada ku sugan Gobolka Bay.

Degmada Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay Degmooyinkii Al-shabaab laga qabsaday horaantii sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo ay kuwada sugan yihiin ciidamada Ethiopia oo aan AMISOM ku jirin iyo kuwo ka kala socda Uganda iyo Burundi oo qayb ka ah howgalka AMISOM.

Ciidmadan waxay si wadajira ah gacan uga siiyaan ciidamada DF dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab oo mudo dheer isku dayaysay inay xukunka ka rido dowladii KMG ahayd ee xiligeedu dhamaaday.

Saraakiisha Hogaaminaysa ciidamadan ayaa waxay sheegeen inay diyaar u yihiin gacan ka geystaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga harsan tahay Gobolada Bay iyo Bakool oo ku yaala Dhinaca Koonfur-galbeed ee Somalia.

Wasiirka Difaaca DF ayaa amaan u jeediyay ciidamada AMISOM iyo kuwa Ethiopia ee ku sugan degmada Baydhabo, isagoo ku amaanay qaybta ay ka qaateen sidii Al-shabaab looga saari lahaa degmadaas, loona adkeyn lahaa amaanka guud ee Gobolada Bay iyo Bakool.

Gudoomiyaha Gobolka Bay, C/fitaax Maxamed Geesey oo isaguna ka hadlay safarkii uu Wasiirka Difaaca iyo Xildhibaano la socday ay ku tageen degmada Baydhabo, isagoo sheegay in safarkii wasiirka uu ahaa mid guul ku dhamaaday.

GAROWE ONLINE
RELATED:
Waa sidee xaalada magaalada Kismaayo? ''Dhageyso''
Xasan Daahir oo Godane eedeeyey
Dibadbax ka dhacay Garowe


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president
KISMAYO, Somalia May 17, 2013 (Garowe Online)

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: Aweys blames Al Shabaab chief for ‘targeting foreign fighters’

Somalia: Jubaland gains support, as federal gov’t rejects outcome

Somalia: Ahmed Madobe elected first president of Jubaland in landslide victory

Somalia: ‘92 MPs sign motion’ against Prime Minister Shirdon

Somalia: Kismayo admin detains ‘troublemakers from Mogadishu’

PM Shirdon launches New Deal for Somalia at Mogadishu event

Somaliland minister rejects control of airspace by Somalia govt

Somalia: Council of Ministers pass Puntland Constitutional Court Law

Somalia: Flight to Kismayo ‘forced to return to Mogadishu’

Somalia: ‘Somaliland troops kill 1 civilian’ in Burao riots: witnesses

Rapes on rise in Somaliland, say medical officials

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us