From Garoweonline.com
Wasiirka DFKMG oo ku baaqay dagaal
By
Mar 21, 2010 - 8:58:11 AM
Wasiirka arimaha gudaha Somalia Sh. C/qaadir Cali Cumar ayaa sheegay in DF ay diyaar u tahay inay dagaal kaga qabsato Magaalada Muqdisho kooxaha kasoo horjeeda, isagoo ka gaabsaday xiliga ay dagaalada qaadayaan.
Sh. C/qaadir wuxuu daboolka ka qaaday in dowladu ay awood u leedahay inay dib u qabsato Magaalada Muqdisho ayna diyaarisay ciidamo fara badan oo howshaas qaban kara.
"Waxaa naga go'an inaan awood kaga qabsano kooxaha naga soo horjeeda Muqdisho, maadaama ay diideen in wax wadahadal ah lagu dhameeyo khilaafka kala dhexeeya xukuumada" ayuu yiri Wasiirka arimaha gudaha Somalia.
Sh. C/qaadir oo dhanka Maxkamadaha kasoo galay DF ayaa lagu xantaa inuu xiriir dhow la leeyahay kooxda Al-shabaab oo si weyn u diiday jirtaanka Dowlada, inkastoo uu isagu dhowr jeer oo hore inkiray jirtaanka warkaas.
Dowlada Somalia ayaa sheegtay inay awood adeegsan doonto si ay degmooyinka Magaalada Muqdisho dib ugu qabsato, kuwaasoo ay haatan gacanta ku hayaan xoogaga Islaamiyiinta ah ee ka horjeeda.
"Xukuumadu waxay diyaarisay ciidamo badan oo awood u leh inay dib u hantaan Muqdisho, si culeyska looga qaado shacabka, sidoo kale waxaan shacabka ka codsanay inay gacan nagu siiyaan dagaalkaas" ayuu yiri Sheekh C/qaadir.
Shir shalay ka dhacay Muqdisho ayaa lagu sheegay inay jiraan daganaasho la'aan ay kooxaha dowlada kasoo horjeeda ka wadaan lix degmo oo Muqdisho ku yaala, kuwaasoo ay gacanta ku hayso dowlada Somalia.
Xoogaga Islaamiyiinta ah waxay sheegeen inay u diyaar-garoobeen dagaal sidii ay isaga difaaci lahaayeen dagaal walba oo kaga yimaada dhinaca DF iyo AMISOM iyagoo shacabka ka dalbaday inay taageeraan.
GAROWE ONLINE
http://www.garoweonline.com