Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
"Waxaan ahey hogaamiye Qabiil"


Xildhibaan Barre Aadan Shir [Hiiraale] oo dhawaan looga itaal roonaaday dagaal ka dhacay Kismaayo, ayaa markii ugu horeysay ka warbixiyay qaabka looga soo saaray Kismaayo iyo cida la dagaalantay.

Col. Hiiraale oo wareysi siiyay BBC-da ayaa wuxuu u dhacay sidan: Ka dhageyso

Su'aal:

Xildhibaan Kismaayo ma xoog baa lagaaga soo saaray, mise adigaa iskaa uga soo baxay?

Jawaab:

Waa naloo tabar sheegtay, xoog baa nalooga soo saaray

Su'aal:

Markii aad Kismaayo kasoo baxday kadib maxaa dhacay, xageed soo martay?

Jawaab:

Waxaan soo maray wadada Kismaayo, Qooqaani, Bilis, Gariley, Baardheer

Su'aal:

Maxaa khasaare ah oo ku gaaray oo aad noo sheegi kartaa xildhibaan?

Jawaab:

Walaahi, meeshaan beelihii daganaa eeryadaas baa jidgooyooyin badan noo dhigtay ilaa 7 ama 8 gaaraya, rag badan baana waa iiga dhintay, qalab iyo gaadiid badana waa nooga qaateen, Magaalada khasaarihii naloo geystay iyo kii gaaray dad kalena runtii ma heli karno, mana aanan helin karin macluumaadka ku saabsan dadka wax dhintay iyo wax dhaawacmay, laakiin waxaan kuu sheegi karaa xiligii aan kusoo baxay jid-gooyooyinkaas beeluhu noo dhigteen la ii geystay khasaarihii iga soo gaaray, 18-nin baa iiga dhimatay dhowr iyo labaatana waa nooga dhaawacmeen, sadex gaari oo mid uu yahay kuwa dagaalkana waa nooga qabsadeen

Su'aal:

Xoogagii Kismaayo kaasoo saaray waa kuwee, waa ayo?

Jawaab:

Xoogagaas waa beelo, waa beesha la yiraahdo Kablalax, waxaana caawinayay oo dagaalka la galay Ururada Al-shabaab, Maxkamadaha iyo ciidan gaar ahaa oo ARS ay meesha ku diyaarsatay

Su'aal:

Adigu maxaad isku sifeyn lahayd?

Jawaab:

Anigu maxaan isku sifeyn lahaa, anigu waxaan ahay xildhibaan DF ka tirsn Kismayaan joogay, wax dhibaato ah iyo wax mushkilo ah oo aan anigu abuuray ma jirin, qabiilkii aan ka dhashay way joogeen meesha, ilmahaygii way joogay, sadex xaas oo aan qabo baa dagan, nin dadkiisii la joogay baan ahaa dagaalka magaalada lagu soo qaaday baa dhinacayga iga qabsaday

Su'aal:

Marka waxad leedahay aigu ma hogaaminayay Malesiyaadkii Kismayo ku dagaalamay oo dagaalka dhinacayga buu iga qabsaday qorshaha kuma jirin baad leedahay?

Jawaab:

Anigu ma maamulay, beeshu iyadaa is mamulaysay oo meesha daganayd, anigu safar baan ku tagay xildhibaan baa ahay, laakiin dadka la ugaarsanayay oo la raadsanayay beeshana ka mid ah baan ahaa

Su'aal:

Warar ka imaanaya Kismayo waxa la sheegay in meesha Al-shabab iyo Maxkamadaha oo wada jira ay qabsadeen sida hadalka aad u dhigaysana uusan ahayn?

Jawaab:

Adeer cidii saxaysa iyadaa og, laakiin aniga hadaad wax iga weydiisay wixii jiray baan kuu shegay, waxa weye; anigu waxan ku iri: Ururka Al-shabab iyo Ururka Maxkamdaha iyo beelahaas oo iskaashaday baa meesha nagula dagaalamay iyagaana gacanta ku haya

Su'aal:

Barre, marka Kismayo arinteeda laga hadlo oo dagaal la soo qaado, waxaa la isweydiin karaa Barre waa markii labaad oo dagaal Kismaayo uga baxo, waxaa kaloo la is weydiin karaa maxaa Barre Kismaayo kaga duugay oo aad uga samri la'adahay?

Jawaab:

Su'aashaan Jawaabteedu waxa weeye waxaa iiga duugan, Sadex xaas baa leeyahay, waalidna waa leehayay kuligoodna Kismaayay wada joogaan, mid ku duugan iyo mid ka shaqeeya iyo mid ku nool intaba way isugu jiraan, marka cidii xoog iiga soo saarta oo ilamahaygii haysata oo gurigeygii iyo xoolahayga bililiqeysanaysa anigu dayuus ma ihi oo iska agtagi maayeen intaan xeladeysto baan soo dagaalami haddii Alle yiraahdo, marka mar ha noqoto, laba ha noqoto sadex ha noqoto, afar ha noqoto, ilaa aan ku wafaado [dhinto] waa ku dagaalamayaa waa xaqeygii

Su'aal:

Marka waxaad leedahay nin deegaanka u dhashay baan ahay oo lagu soo gardarooday lana weeraray?

Jawaab:

Horta waxa weeye, Somalidu waxay tiraahdaa [Howraarta nina si kuu yiri nina si kuu qaaday] aad ku dhalatay iyo umaadan dhalan midna maaah, Somalidu muwaadiniin weeye dalka ma kala leh, dadka meesha dagan oo ku nool baan anigu ka mid ahay

Su'aal:

Marka qorshahaagu muxuu yahay ma weerar baad ku qaadaysaa Kismaayo ood ugu noqonaysaa reeraha iyo caruurta meesha kaa yaala oo aad sheegtay inay Kismaayo dagan yihiin?

Jawaab:

Anigu caruurteyda, dadkeyga iyo familigeyga, qof anigu goob u siin maayo waajib muqadas ah baa iga saaran inaan difaaco, Insha alaahu waan ku soo noqonaynaa hadii Alle yiraahdo, waana tagi doonaa meelaha ubadkanaga iyo caa'iladeenu joogto

Su'aal:

Goormaa laga yaabaa inaad weerar dib ugu celis?

Jawaab:

Anigu weerar baan ku celinayaa kuma dhihine, weerarku markiisuu iska imaanayaan hadii Alle idmo

Su'aal:

Qolada meesha haysata ama Maxaakiin ha ahaadaan ama qolo kale ha ahaadaane, waxay mar walba sheegaan in Kismaayo uu dulmi ka jiray, Isbaaro ka jirtay oo la is dhacayay oo aysan nabad galyo jirin oo ay doonayeen inay dulmigaas meesha ka saaraan?

Jawaab:

Dadku siday wax u sheegayaan iyo siday wax u doonayaan isku mid ma ahan, waa runtaa isbaaro wax xun weeye oo dhaqanka ku xun, diinta ku xun cid kasta oo la diriraysana waan soo dhaweynayaa, waana la diriri jirtay, laakiin nimanka warkaas sheegaya warka ay sheegayaan iyo sida ay u dhigayaan ma ahan; waxaad ku garan kartaa oo adiguba aad Balance ugu sameyn kadhaa, wiil meel jooga ama laba meel joogta isbaarada laga qaado oo laga suuliyo ma waxaa loo marayaa in beelo dhan iyo dad dhan oo dagan oo muslimiin ah oo dagan oo xaasas leh oo waayeel leh oo nooc walba in lagu xadgudbo, la laayo, la dhaco, la barakiciyo, sharafta laga qaado, ma taasaa noqonaysa Isbaaraan la dagaalamaynay oo aan meesha u nimid

Su'aal:

Xildhibaan Barre Aadan Shire waxaa tahay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia, oo dowlada federaalka waxaad kasoo qabtay jagada wasiirka gaashaandhiga intii dowladii hore ay ka dhacdana waxaad ahayd hogaamiye kooxeed oo xabad baad sidatay, goormaa laga yaabaa Barre in inta aad xabada dhinac iska dhigto oo aad garato xilka xildhibaanimo oo aad la qabsato nidaamka iyo haykalka dowladnimo ee ka jira Baydhabo iyo meelo kale oo dalka ka tirsan?

Jawaab:

Baydhabo haku soo gabagabeyne; waa runtaa waxaan ahay waxaan ahay hogaamiye, hogaamiye qabiil baan ahay, xilka hogaamiyenimada qabiilka cid igala wareegta xiligaan helo baan warejinayaa una gudbayaa nidamka dowladnimo ee aad sheegaysid, hadaan la helin; hogaankaad aad sheegaso een ku dagalamayay dagaalada dadkeygaa lagu soo qaadayay, waligey meel aan doonayo ma aanan aadin umana socono; laakiin qabiil ahaan, deegaan ahaan dad ahaan iyo deegaan ahaan baana isku difaacnaa.

Xuquuqda qoraalka wareysiga: Garowe Online
RELATED:
Sanaag oo ka guuleystey Cayn
Diyaarad ku dhacdey Muqdisho
UN: ''Macaluushii way dhamaatey''

Advertisement
 

Somalia: World turns blind-eye to Somaliland's savage aggressions [Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia: Hague's action warning in Somalia
MUGADISHU,Somalia 2 ,February  ,2012 (AP)

UN declares Somalia’s famine over, but says millions across East Africa still in crisis

Somalia:UN Special Representative for Somalia condemns murder of radio station director

Somalia: Puntland - Cage of pirates

Somalia:President Sharif asks for arms embargo to be lifted

Somalia: British minister on 'first visit ever' to Puntland State

Somalia: Ethiopian troops enter Gedo region

Somalia:Iranian Minister willing to hold Somalia conference

Somalia: Gunmen kill journalist in Mogadishu, then escape

Somalia: World turns blind-eye to Somaliland's savage aggressions [Editorial]

Kenya arrests controversial Muslim preacher

Somalia: Bossaso port renovation project completes first phase

Somalia:President Sharif vigorously condemns and expresses grief and sorrow over the senseless murder of the prominent journalist Hassan (Fantastic).

Somalia: Grenade attack at UNDP compound in Mogadishu

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us