''Waxa socota daraasada baahiyahooda'' 10 Feb 10, 2013 - 12:37:50 AM
GAROWE ONLINE
Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Arrimaha Qoyska Puntland ayaa wada daraasad lagu ogaanayo baahiyaha haweenka oo laga soo saari doono buug dhamaystiran.
Wasiirka Haweenka Puntland Marwo.Xaliimo Xasan Xaaji ayaa u sheegtey Garowe Online in 14 degmo oo ka tirsan gobollada Karkaar ,Bari iyo Sanaag ay ka wadaan daraasadan iyagoona gacan ka helaya hayadaha caalamiga ee bahwadaagta yihiin.
Caafimaadka ,waxbarashada ,guurka,mashaakilaadka qoyska iyo arrimo kale ayay xanbaarsantahay diraasadan laga sameynayo baahiyaha haweenka Puntland.
Xaliimo waxay tilmaamtey in xafiisyo ka soo fureen degmooyinkaas kadib socdaal ay ku tagtay dhowaan iyada iyo hawlwadeenada wasaaradu,waxana ay shirar looga hadlayey mideynta ururada haweenka la soo yeelatay haweenkii kala duwanaa ay soo aragtay.
Wasiirada Haweenka ayaa hadalkeeda raacisey inay wasaaradu ku hawlantahay sidii shaqo loogu baadi goobi lahaa gabdhaha aqoonta leh oo qaarkood soo dhameysteen jaamacadaha iyo weliba sidii door macno leh uga qaadan lahaayeen Nidaamka xisbiyada badan ee Puntland u gudubtey.