|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Waxgaradka G. Sanaag oo beeniyey go'doominta Galgala
20 Jun 20, 2011 - 1:10:12 PM
|
Waxaa Idaacada Radio Garowe la soo xiriiray mid ka mida waxgaradka gobolka Sanaag oo lagu magacaabo caaqil Faysal Cabdulaahi Faatax, caqilka ayaa sheegay inay tahay wax been ah oo laga badbadiyay warar ay faafiyeen qaar ka mida warbaahinta Soomaalidu, kuwaas oo sheegaya in la go'doomiyay Galgala iyo deegaanada ku xeeran oo dhaca bariga gobolka Sanaag.
Caaqilku wuxuu ku tilmaamay dadka wararkaas faafiyay inay dano gaara leeyihiin, wuxuna taa bedelkeeda sheegay in la go'doomiyay kooxo uu qaswadayaal ku qeexay oo ku dhuumaalaysanaya deegaanadaasi.
"qaar ka mida kooxaha la go'doomiyay waxay bilabeen inay isa soo dhiibaan, qaarna way carareen, kadib markii ciidamada Dowlada oo kaashanaya odayasha deegaanku qaadeen hawlgalo is daba joog ah", ayuu intaa ku daray Caaqil Faysal.
Caaqil Faysal C/laahi Faatax wuxuu hoosta ka xariiqay inay jirto wadashaqayn dhamaystiran oo u dhaxaysa dowlada Puntland iyo dadka deegaanka.
Degmada Galgala ayaa horay saldhig ugu ahaan jirtay maleeshiyada Maxamed Siciid Atam oo looga adkaaday dagaalo uu la galay ciidamada Dowlada Puntland, waxaana hada gacanta ku haya Galgala iyo deegaanada ku xeeran ciidamada Puntland.
Halkaan ka dhageyso hadalka caaqilka
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|