Waxqabadka Arrimaha Gudaha 2 Jan 2, 2013 - 8:03:27 AM
GAROWE ONLINE
Dawladda Puntland xilligan jirta waxa u buuxsamaysa afar sanno 8 ,Jan 2012 oo ku beegan markii 2009-kii hogaanka Puntland loo doortay Madaxweyne Dr,Cabdiraxman Maxamed Maxamud Farole iyo ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire.
Radio Garowe oo inta badan barnaamijyo ka samaysa dhacdooyinka Puntland ka jira iyo Somaliyaba ayaa barnaamijyo ku aadan waxa xukuumadan u qabsoomay iyo himilooyinka ay damacsantahay inay ku talaabsato iyo caqabadaha ka horyimid waxay ka diyaarisay barnaamiyo gaar oo taxane ahaan kala socondoontaan Warsidaha Garowe Online.
Barnaamijka Rayiga Dadweynaha ayaa maanta 02 January,2012 waxan ku soo qaadanay Waxqabadkii Wasaarada Arrimaha gudaha ,Dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga taasi oo sheegeen masuuliyeenteedu in horey ugu talaabsatey arrimo badan halka mashaariicda qaarna ay dhamaystiri doonaan sanadkan cusub2013.
Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha dawlada Puntland Cabdilaahi Siciid Aw-Yusuf ayaa sheegay in wasaaradiisu xoogga saartay hirgelinta mashruuca JPLG kaasoo sida uu agaasimuhu cadeeyey ka soo hooyeen guulo la taaban karo oo ay u horreeyaan samaynta waddooyin waaweyn, banaynta jidadka xidhmay iyo samaynta suuqyo ganacsi.
Cabdilaahi siciid oo ka jawaabayay su'aalaha dadka ka qayb qaadanayay barnaamijka ayaa ballan qaaday iney haatan xoogga saari doonaan samaynta waddooyinka gala gobolka sanaag oo la sheegay iney wasaaraddu ka gaabisay sanadihii hore.
Dhinaca kale agaasimaha ayaa sheegay iney dardar gelin doonaan siysaasada barakacayaasha ku dhaqan Puntland oo raacshey inay labo laabi doonaan xiriirka ay la leeyihiin dadka danyarta ah iyo barakacayaashaba.
Macallin isaaq Cabdi xasan oo ah Guddoomiyaha barakacayaasha ee gobolka nugaal oo isna ka qayb galayay barnaamijka Ra'yiga dadweynaha ayaa sheegay in dhinacoodu uu aad u wanaagsan yahay xiriirka ay la leeyihiin wasaaradda arrimha gudaha isagoo tilmaamay iney wasaaraddu wax badan u qabatay gacanna ay ka geysatay dib u dejinta iyo daryeelka dadka barakacayaasha ah.
Halkan ka dhageyso Barnaamijka uu daadihinayo Aadan Cismaan Sooyaal