Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Weerar Shabaab oo la cambareeyay


Ururka AU-da, DF, UN-ka iyo IGAD ayaa cambaareeyay weerarkii ay Al-shabaab sheegatay ee shalay lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaasoo dilay in ku dhow 25-qof oo ay ku jireen laba askari oo ka tirsan AMISOM.

Ururka al-shaabab ayaa sheegtay mas'uuliyada weerarkaas, waxaana Sh. Cali Dheere oo ah afhayeenka kooxdan uu sheegay in laga gaaray hadafkii laga lahaa oo ahaa in looga hortago shir loogu tashanayay shacabka Somalia.

"Weerarkaas waxaa fuliyay ciidamo ka tirsan Milateriga Al-shabaab waxaan kla gaarnay ujeedadii laga lahaa, askar badan ayaana ku dilnay, sidoo kalena waxaan jabinay hadalo horay uga soo baxay saraakiisha AMISOM" ayuu yiri Sh. Cali Dheere.

Ergayga UN-ka ee Somalia, midka AU-da iyo sarkaal ka socday IGAD oo Muqdisho booqday shalay intii uusan weerarku dhicin, lana kulmay Madaxweyne Sh. Shariif ayaa cambaareeyay weerarka iyagoo sheegay inuu fuleynimo iyo argagaxisonimo uu isku-darsaday.

"Weerarka waxaa lagu dilay dad shacab ah iyo laba askari oo ka tirsan AMISOM, waxaana ku dhaawacmay sadex askari oo u dhashay dalka Uganda" ayaa lagu yiri war ay wadajir ah u soo saareen saddexdan mas'uul.

Dr. Augustine Mahiga, Am. Boubacar Diarra iyo Kipruto arap Kirwa ayaa sheegay in weerarkaas ay aad uga xun yihiin, ayna cambaareynayaan, wuxuuna dhacay markii ay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha.

Dhanka kale, Madaxweyne Sh. Shariif oo isaguna cambaareeyay weerarkan ayaa ku tilmaamay inuu ahaa weerar fool xun oo laga soo abaabulay dalka dibaddiisa, ayna dalka ka saari doonaan kuwii ka dambeeyay weerarkaas.

Hadalka Sh. Shariif ayaa imaanaya iyadoo kooxaha dagaalka kula jira oo ay ugu awood badan tahay Al-shabaab ay gacanta ku hayaan inta badan dalka Somalia, waxayna sheegeen inay dagaalka sii wadayaan inta ay dalka ku sugan yihiin ciidamada AMISOM.
 
GAROWE ONLINE

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us