|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
William Hague oo booqdey Muqdisho
2 Feb 2, 2012 - 2:22:54 AM
|
Wasiirka arrimaha dibedda Britain William Hague ayaa maanta 2,Feb,2012 booqasho ku tagey magaalada Muqdisho,waxana siweyn loo adkeeyey amaanka guud oo ciidamada DF lagu arkayay wadooyinka isku xira garoonka iyo Villa Somalia.
Booqashadan oo horey aan loo shaacin ayaa Mr.Hague waxa uu kulan la qaatey madaxweynaha DF Somalia Shariif Shiikh Axmed oo warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka.
Wasiirku mar uu la hadlayay BBC-da waxa uu sheegay in guulihii ciidamada AMISOM ay Muqdisho ka soo hoyeen yihiin kuwo dhabar jab ku noqdey kooxda Al-shabaab.
‘’Marka la eego amaanka Britain ,waxa danaynaya Soomaali badan sidii dalku u noqon lahaa mid xasiloon,waxa la gaarey horumar dhinaca amaanka ,qayb ka mid ahna waxa iska leh amaanta ciidamada Midowga Afrika AMISOM’’ ayuu William Hague yiri.
Kooxda Al-shabaab ayaa weli ka arimisa gobolo ku yaal koonfurta dalka,waxana uu sheegay wasiirka arrimaha dibedda Britain in aan looga nixin kooxdaasi sidii dagaal looga saari lahaa.
‘’Waxaan u baahanahay talaabadaasi ,raalina ka noqon mayno in ay sii haystaan’’ ayuu raaciyey hadalkiisa.
Shirka Britain martigelineyso dhamaadka bishan aynu ku jirno ayuu Hague waxa uu ku sifeeyey daaqad rajo oo furmatey oo fursadna u noqotey Soomalida.
‘’Mid kamid ah shirka waxaan u qabanay ayaa ah sidii loo xoojin lahaa iskaashiga la dagaalanka argagixisada oo ah qodobka koowaad ,ka sokow burcad badeeda iyo xalinta dhibaatada bini’aadanimo ee aadka u liidata’’ ayuu ku soo xirey hadalkaasi.
Booqashada wasiirka arrimaha dibedda Britain uu ku tagey Muqdisho maanta ayaa noqonaysa tii ugu horeysey oo masuul Britain ah (arrimaha dibedda) ku tago Somalia guud ahaan muddo dhan 20 sanno ,waxana ay timid xili kooban kadib markii xafiiska siyaasada UNPOS loo soo raray Muqdisho.
GAROWE ONLINE
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|