|
|
|
|
| Last Updated: Jan 27, 2012 - 2:35:45 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Xaaalad dagaal oo weli ka taagan degmada Buhoodle
27 Jan 27, 2012 - 2:03:37 AM
|
Xaalada degmada Buhoodle iyo agagaarkeeda ayaa maanta dagan kadib markii maalintii shaley 26 Jan,2012 dagaal la isu gabal dhacsadey fooda isku dareen ciidamo maamulka Somaliland ka socdey iyo xoogaga difaaca gobolka Ceyn.
Dagaalkii dhacey maalintii shaley ayaa wararku sheegayaan in khasaarihiisa dhinaca xoogaga degaanka Buhoodle difaacaya kaga dhinteen 26 qof halka dhaawaca gaarayo 21 kuwaasoo loo qaadey magaalada Galkacayo oo ah halka ugu dhow magaalooyinka Puntland.
Somaliland ayaa dagaalkaan waxaa kaso gaarey khasaaro balaaran iyadoo wararka xusayaan in lagaga diley ciidan kor u dhaafaya 30 qof halka dhaawaca aan la garan karin madaama ay qaateen balse waxaa la qabsadey gadiid dagaal oo uu ku jiro mid ah kuwa saheyda qaada ah iyadoo kuwa kalena laga gubey.
Wararka aan ka heleyno saraakiil ka tirsan ciidamada Buhoodle difaacaya ayaa sheegaya iney gacanta ku hayaan maxaabiis gaareysa sadex qof kuwasoo lagu qabtey dagaal shaley galab dhacey.
Dhinaca Hargeysa waxaa ka imaanaya sidoo kale warar sheegaya in madaxweyne Siilaanyo uu magacaabey guddi dagaal oo uu ku jiro madaxweyne ku-xigeenkiisa taasoo dadka u dhuundaloola siyaasada sheegayaan iney sababtey guuldarada ciidamadiisa ka raacdey dagaalka Buhoodle.
Dagaalka Buhoodle ayaa yimid maalmo kadib markii siyaasiyiin uu hogaaminayo Cali Khaliif Galeyr kaga dhawaaqeen maamul lagu sheegey magaciisa Khaatumo kaas oo shacabka daga deegamada Sool iyo Ceyn aad uga xumaadeen.
Maalintii shaley 26 Jan,2012 ayaa waxaa ku dhintey magaalada Buhoodle hal qof halka labo kale ku dhaawacantey kadib markii xubno ka tirsan maamulka is magacaabey soo gaareen magaaladaas kadibna dad isugu jira dumar iyo caruur kuwaasoo u mudaharadayey soo dhoweyntooda ay rasaas ku fureen ciidamada degaanku.
GAROWEONLINE
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|