Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Feb 11, 2014 - 5:11:05 AM
Wararka
Xaalada Gaarisa oo Maanta Degen

Xaalada Magaalada Gaarisa ayaa maanta 21 November,2012 degen kadib howlgalo khasaare badan geystay oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay degmadaas ka sameynayeen Milarteriga, waxaana howlgaladii Gaarisa ka hadlay maanta Baarlamaanka Kenya.

Goobjoogayaal ku sugan Gaarisa ayaa sheegay in ganacsiga dib loo furay maanta ayna xalaadu ka duwan tahay sidii hore, waxaana halkii uu ka gubtay suuqii weynaa ee Gaarisa isugu soo baxay Dadweyne badan oo qaarkood barooranayay sheegayna inay ku hanti beeleen dabkii qabsaday suuqaas.


Xildhibaan Aadan Bare Ducaale oo laga soo doorto deegaan ka tirsan Degmada Gaarisa ayaa ka dalbaday Madaxweynaha Kenya inuu ka hadlo dhibaatadii ay ka geysteen Milateriga Kenya magaalada Gaarisa, isagoo sheegay in shacabka dalka loo sharaxo.


"Madaxweynaha Kenya waxaan ka codsanaynaa inuu ka hadlo dhibaatadii Gaarisa ka dhacday, Hadii uu ka aamusay dhibaatadii ka dhacdayTanarivo iyo askartii la dilay kama aamkusi karo dhibaatada ka dhacday Gaarisa, waayo dad badan ayaa waxyeelooyin kala duwan loo geystay" ayuu yiri Xildhibaan Ducaale.


Baarlamaanka Kenay ayaa Gudi gaar ah u saaray sidii baaris loogu sameyn lahaa dhibaatadii ka dhacday Gaarisa, kadib sadex askari oo lagu dilay degmadaas Doraad waxaana falalka ka dhacay degmadaas ka mid ah in haween badan la kufsaday.


Xidhibaan Aadan Bare ayaa sheegay in Milateriga Kenya ay iyagoo aan amar haysan ay ku dhaqaaqeen dhibaateynta dadka degen Gaarisa, waxaana falkaas si weyn u cambaareeyay mudanayaasha kale ee Baarlamaanka Kenya.


GAROWE ONLINE

RELATED:
Wasiirro PL ah oo booqday meesha lagu asay Saado Cali
PL oo la heshiiyay Yeman iyo Jabuuti
Wasiiro PL ah oo Muqdisho aaday


Advertisement
 

Somalia: Puntland President not adamant about domestic, external threats [Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia: State Funeral held for popular musician, MP Saado

MOGADISHU, Somalia July 24, 2014 (Garowe Online)

Somalia: MP murder sparks widespread condemnation

United States Condemns the Killing of Somali MP Saado Ali Warsame in Mogadishu

Somalia: Female MP gunned down in Mogadishu amid Ramadan rampage

Somali lawmaker shot dead in drive-by shooting

Somalia: Kenya warplanes target Al Shabaab hideouts again

Somalia: Federal Govt mediates between warring militias in Hiraan

Somalia: Puntland parliament passes controversial media bill

Somalia: Puntland President not adamant about domestic, external threats [Editorial]

Somalia: Puntland Govt seeking to contain polio spread

Somalia's al Shabaab claim responsibility for Kenya bus attack

Somalia: Federal Govt forms technical committee for south-west state

Somalia: Jubaland forces clash with Al Shabaab militants

Somalia: Allied forces, Al Shabaab clash in deadly battle near Qoryoley

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us