''Amaanka Somalia dadaal dheer buu....'' 29 Mar 29, 2012 - 6:59:41 AM
Madaxweynaha DF Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegey in dalkiisu u baahanyahay dadaalo dheraad ah sidii loo sugi lahaa xaalada amaan iyo mida nololeed ee shacabka.
Shariif oo kalmad ka horjeedinayey maanta 29,March 2012 shir dalalka Carbeed uga socda Baqdaad ayaa warbixin guud ahaan dalka ku saabsan iyo horumarka laga gaarey geedi socodka nabada Somalia siiyey hogaamiyaasha Carbeed ee kulanka qayb ka ahaa.
‘’Waxaan badinay dadaalada aanu ugu jirno sidii wadahadal aan ula yeelan lahayn mucaaradka, markii Muqdisho la xoreeyeyna waxaa balaartey dhulka ay ka taliso dowladda Somalia’’ ayuu yiri madaxweynuhu isagoona raaciyey inay dhimanyihiin howlo badan.
‘’Wakhtigii dib loo dhisi lahaa dalka ayaa la gaarey hada,waxana lagama maarmaan ah inay dadka loo suurogeliyo adeegyaada asaasiga ah ,waxyaabaha suurogelinaya sugitaanka amaanka iyo weliba gurmadka dadka tabaaleysan’’ ayuu ku darey Shariif Shiikh Axmed.
Ugu danbeyntii ayuu ku baaqey in dalalka Carbeed door macne leh ka ciyaaraan horumarinta iyo dib u dhiska Somalia.
Baqdaad ayaa shir Carbeed lagu qaban muddo 20 sanno ku dhow ,waxana siweyn loogu sugey amaanka guud ee caasimada Ciraaq,inkastoo saddex qarax oo waaweyn ay gilgileen maanta oo midkood ka dhacey safaarada Iran horteeda oo ku dhextaal mandaqada Khadka Cagaaran.