Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Feb 11, 2014 - 5:11:05 AM
Wararka
Xaflad ka dhacdey madaxtoyada Bossaso

GAROWE ONLINE

Munabaada sanadguurada saddexaad ee ka soo wareegtey markii xilka madaxtinomo loo doortey hogaanta talada Puntland haatan haya ee hormuudka ka yahay madaxweyne Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamud Farole ayaa habeenimadii xalay waxay ka dhacdey xarunta madaxtoyada Bossaso.

Xafaladan sanadguurada 3-aad oo ku beegnayd 08,Jan,2012 ayaa waxa si weyn loo soo qaabeeyey ,waxana ka soo qaybgalay wasiiro ka tirsan xukuumadda ,xildhibaano, culimo ,aqoonyahano ,qurbajoog ,issimo ,nabadoono ,ururada haweenka iyo dhalinyarada gobolka Bari iyo marti sharaf kala oo lagu casumey xafalada.

Inta ay socotay waxa madasha ka hadlay issimo ,salaadin ,masuuliyiinta dawladda waxana sidoo kale la soo bandhigey riwaayado iyo heeso ka tarjumaya nabadda Puntland iyo horumarkeeda.

Suldaan Cabdisalaan Maxamuud oo ka mid ah issimadii ka hadlay kulanka ayaa waxa uu soo jeediyey hadal dheer oo xamaasadi ku jirto dhamaana qiiro geliyey ka soo qaybgalayaasha,waxana uu in badan ka taabtey amaanka iyo muhiimada uu u leeyahay ummada reer Puntland.

Beelaha gobolka Bari ayuu fariin u direy ah in la ilaaliyo xasiloonida dalka ,waxana uu raaciyey in dawladdu amaanka ka shaqayn karin hadii aysan dadku arintaasi ka caawin.

‘’Dawladdu kuma jiri karto in canshuurta soo baxda markasta ay ku kala celiso beelaha dagaalamaya,hadii aan dagaal u jeysano waxaan ka jeysanaynaa horumarka dhinaciisa’’.

Wasiirka Amniga Puntland Gen,Khaliif Ciise Mudan ayaa tilmaamey in dawladda amaanka sugidiisa ay gelisey kharash iyo dadaal badan oo aan kala har lahayn isagoona tusaale u soo qaatey in ay haatan gacanta ku hayaan nimankii dilkii Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxman ka danbeyey.

Gen.Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in Puntland haatan laga wado olole balaaran oo Alshabaab lagula dagaalaamayo ,waxana hormuud ka ah haatan Bossaso culimada Puntland oo muxaadarooyin iyo wacyigelino ku saabsan dhibaatada ku hayaan ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wasiirka arimaha gudaha dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Ge.Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilkajiir ayaa isna ka sheekeyey waxqabadka wasaaradasii oo uu sheegay in ay ku talaabsadeen tan iyo inta shaqada xafiiska uu la wareegey horumar balaaran oo la daremi karo.

Waxaa uu sheegay Ilkajiir in Puntland haatan wado barnaamijka xukun baahinta oo la gaarsiinayo maamulka meelaha fog fog ee ka baxsan laamiga,waxana uu ku darey in mashaariic horumarineed sidoo kale halkaasi laga bilaabayo dhowaan.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa oo ku soo gunaanadey xaflada khudbad dheer oo abaareysa dhamaan dhinacyada ayaa ugu horey waxa uu mahad balaaran usoo jeediyey ciidamada amaanka Puntland ee ka qayb qaadanaya sugida iyo xasiloonida amaanka dalka.

Puntland ayuu sheegay madaxweynuhu in wax wayn laga qabtey tan iyo markii loo doorety xilka January 2009,isagoo raaciyey in aan lagu soo koobi karin filin iyo qoraal toona.

Dhibaatada guud ahaan Somalia ayaa waxa uu sheegay madaxweynaha Puntland in ay tahay argagixisa Alshabaab oo lagu shaqaysto ,iyagoona adeegsada maangaabka sida uu sheegay Dr.Farole.

Alshabaab gabalkeedi in uu dhacey oo ay kala firxadeen ayuu madaxweyne Farole qirey ,waxana uu feejignaan dheeraad kula balamay ciidamada amaanka Puntland oo Alshabaab Puntland u soo baxsanayaan maadama ay ku jabeen dagaaladii koonfurta Somalia.

‘’Cadowga labaad ee dalka waa burcad badeed ,miino ayay iyaguna dhigaan oo lacag ay madaxfurashada u qaatan ayay hub ku gataan oo qabaa’ilka ayay isku diraan’’ Ayuu yiri Dr.Farole.

Deegaanka xeebeedyada Puntland ayuu madaxweynuhu ugu baaqey in ay la dagaalamaan burcad badeeda kana saacidaan xukuumada gacan ku qabashadooda,

Shirkii uu dhowaan ku tagey London ayuu madaxweynaha Puntland sheegay in lagu go’aamiyey dhaqaale farabadan oo loogu deeqay Puntland badankiisn lagu bixinayo deegan xeebeyada .

Dhanka dhaqalaaha dalka ayuu sheegay madaxweyne Farole in ay ku guuleysteen in qiimaha Shilinka Somaligu ahaado mid fadhiya saddexdii sanno ey dalka taladiisa hayeen.

Tacsi murugo ku jirto ayuu u direy madaxweynuhu ganacsatadii hantitoodu ku bas beeshey dabkii Bossaso dhacey isagoona ku darey in ay ugudbiyeen DF Somalia iyo Beesha Caalamka qoraalo ku saabsan wax ka qabashada arintaasi.

Ugu danbeyn ayuu khudbadii madaxweynaha Puntland ku soo khatimey duco isagoo Alle uga baryey umadda reer Puntland inuu wixii dhibaato ah ka dulqaado kana qabto cidii xumaan u maleegaysa.

Munaasabada 8,Jan ayaa noqonaysa tii ugu horeysey oo uu ka qaybgalo madaxweynaha Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole magaalada Bossaso,waxana dadka degan gobolka Bari ay soo dhaweyeyn talaabadan iyadoona magaalada laga dareemayo joogitaanka madaxda Puntland.

Halkan Ka Dhageyso khudbadda Madaxweynaha Puntland Dr.Farole


RELATED:
Wasiirro PL ah oo booqday meesha lagu asay Saado Cali
PL oo la heshiiyay Yeman iyo Jabuuti
Wasiiro PL ah oo Muqdisho aaday


Advertisement
 

Somalia: Puntland President not adamant about domestic, external threats [Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia: State Funeral held for popular musician, MP Saado

MOGADISHU, Somalia July 24, 2014 (Garowe Online)

Somalia: MP murder sparks widespread condemnation

United States Condemns the Killing of Somali MP Saado Ali Warsame in Mogadishu

Somalia: Female MP gunned down in Mogadishu amid Ramadan rampage

Somali lawmaker shot dead in drive-by shooting

Somalia: Kenya warplanes target Al Shabaab hideouts again

Somalia: Federal Govt mediates between warring militias in Hiraan

Somalia: Puntland parliament passes controversial media bill

Somalia: Puntland President not adamant about domestic, external threats [Editorial]

Somalia: Puntland Govt seeking to contain polio spread

Somalia's al Shabaab claim responsibility for Kenya bus attack

Somalia: Federal Govt forms technical committee for south-west state

Somalia: Jubaland forces clash with Al Shabaab militants

Somalia: Allied forces, Al Shabaab clash in deadly battle near Qoryoley

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us