|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Xaflado loo qabtey kooxda G/Nugaal
12 Feb 12, 2012 - 1:34:47 AM
|
Xarunta gobolka Nugaal ee
Garowe ayaa xalay lagu qabtey xaflad lagu gudoonsiinayey xulka kubadda
cagta gobolka Nugaal qalab ciyaareed ,waxana kasoo qaybgalay maamulka
degmada ,ganacsato ,saxafiyiin iyo weliba tageero aad u tiro badan.
Shirkadda ganacsiga ee Jowle Enterprise aya gudoonsiiyey ciyaaryahanada
gobolka Nugaal finaanado cusub oo loogu talo galay inay galabta ku
dheelaan finalka tartanka gobollada Puntland.
Maamulaha Jowle Enterprise Axmed Yaasiin Jowle oo ka hadlay bilwgii
xaflada ayaa sheegay finaanadaha inay ugu tala-galeen in xulka gobolka
Nugaal ay u noqoto mid niyadooda dhista muujisana in ganacsatadu
tageerisanyihiin. Waxana uu ugu baaqey xulka Nugaal in ay ciyaar
wanaagsan soo bandhigaan islamarkaasina guusha u soo hoyaan gobolkooda.
Duqa degmada Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor ayaa isna dhankiisa
sheegay in funaanadahi ay dhiri-galin u tahay ciyaartowga ,waxana mahad u
celiyay Jowle Enterprise iyo kaalinta lixaad leh ee ay ka qaadatay
howshaani isagoo dhalinyarada ciyaaraha kula dar- daarmay in xiliga
garoonka ciyaarta ka socoto sameeyaan dulqaad iyo walaaltinimo
ciyaaruhuna ay yihiin is dhex-galka bulshada .
Dhinaca kale casho sharaf ayaa isla xalay loo sameeyay xulka kubadda
cagta gobolka Nugaal oo ka dhacday New –Rays Garowe,waxana soo
qabanqaabisey Nasro Cabdirisaaq oo katirsan bahda Radio Garowe.
Gudoomiyaha Isportiga gobolka Nugaal Cabdirisaaq Nuur Halac ayaa ka
hadlay furida cashadaani waxaana uu mahad -balaaran ujeediyay Nasro
C/risaaq oo dhalinta casuntey xalay,waxana uu raaciyey in labada gobol
ee Nugaal iyo Karkaar looga baaahanyahay soo bandhigida ciyaar soo
jiidata dadweyanaha ‘’qaadida koobkuna waa nasiib’’ ayuu yiri.
Nasro Cabdirisaaq Axmed oo soo qaban qaabisay cashada kana mid ayaa
sheegtay in cashada ujeedadeedu ahayd sidii dhiri galin ugu sameyn
lahayd dhaliyarada gobolka Nugaal madaama ayey tiri ay jiraan ganacsato
iyana munaasabad u qabtay dhalinyarada ana dareenkeyga uu isiiyay inaan
farxada la qeybsano .
Ugu danbeyntii ayaa Nasro C/risaaq waxa ay sheegatay in ciyaarahu yihiin
nasiib labada ciyaartowna ay yihiin dad walaalo ah hadii kar kaar
qaadana ay tahay in dhalinyaradu soo dhaweeyaan.
GAROWE ONLINE
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|