Xareed oo ka hadley amaanka Puntland 10 Nov 10, 2012 - 11:51:36 PM
GAROWE ONLINE
Wasaarada Amaanka Puntland ayaa dadweynaha ka codsatey inay sii wadaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin laamaha kala duwan ee amaanka si loo xoojiyo nabadgelyada iyo xasiloonida ka jirta deegaanada Puntland.
Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil oo la hadlay Radio Garowe ayaa shacabka ugu baaqey inay sii xoojitaan la shaqeynta laamaha amaanka Puntland si gacanta loogu soo dhigo mar kasta dadka neceb oo ka soo horjeeda jiritaanka Puntland.
Xareed Ismaaciil waxa uu sidoo kale ka hadlay gacan ku soo dhigista saddex xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab kuwaasi oo ciidanka amaanka gobolka Mudug ay Galdogob ka qabteen.
Guul ayuu wasiirku ku tilmaamay inay tahay ciidanka iyo dadweynaha siday wadajir uga qayb qaateen hawlgalkaasi.
Adkaynta xaduudaha Puntland ,hagaajinta wada shaqaynta shacabka iyo
laamaha amniga ayuu sidoo kale ka hadlay Cabdirisaaq Xareed,wuxuuna
sheegay wasaarada amniga Puntland inay u heelan tahay sidii loo sugi
lahaa amaanka mandaqada Puntland oo dhan.
Dagniin ayuu u diray dadka isticmaala gadiidka muraayadaha madow oo
mudooyinkii ugu danbeeyay ku soo badanayay deegaanada Puntland,wuxuuna
sheegay wasiir ku xigeenka amniga inay habeen iyo maalin ku howlan
yihiin sidii loo joojin lahaa beersoolka lagu dhajiyo gadiidka.
Halkan ka dhageyso wasiir ku xigeenka oo u waramay Cali Fantastic