Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Feb 11, 2014 - 5:11:05 AM
Wararka
Xarun TB oo Eyl laga furey

GAROWE ONLINE

Munaasibadda xariga lagaga jaray xarunta caafimaad ee daweyntoonta dadka qaba xanuunka xaaqada ama TBDa Waxa ka qeybgalay Wasiirka Caafimaadka pl Dr. Cali C,laahi warsame iyo wafdiga uu horkacayay oo ay qeyb ka ahaayeen Saraakiil ka socota Hey'adda dhistay Xaruntan Caafimaad ee  Muslim Aid,Maamulka Degmada Eyl iyo qeybaha Bulshada ee ku dhaqan ee deegaanka.

Hadalada Xafladda laga jeediyay waxey ahaan kuwa dhamaantood ku qotomay baahida Caafimaad ee ka jirta Degmada eyl iyo deeganada Hoostaga iyo ahmiyadda ay deegaanka u leedahay xarunta TBda ee la furay.

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal Feysal Khaliif Waceys oo munaasibadda ka hadlay waxa uu wasiirka iyo wafdigiisa siiyay warbixin ku aadan xaaladda Caafimaad ee deegaanka iyo Xaruntan xariga laga jaray Baahida ay dadku u qabeen iyo baahida caafimaad ee kale ee ay dadku qabaan

Madaxa TB wasaaradda Caafimaadka pl Dr,Cali Xasan oo qabiir ku ah TB oo isna munaasabadda ka hadlay waxa uu dadka deegaanka siiyay talooyin ku saabsan waxyeelada qofka uu u geysto cudurka TBgu hadii la qariyo iyo awooda ay xarunta u yeelandoonto daweynta dadka qaba xanuunka TBda

Maxamed Aadan Yaabshe madaxa hayada Muslim Aid Puntland ee dhistay Xarunta TBDa Degmada Eyl Hadaladii  uu munaasabadda ka jeediyay waxa uu kaga hadlay Doorka ay hey'adu ka qaadatay kor u qaadida caafimaadka iyo waxbarashada oo ay si gaara ugu howlantahay iyo Xarumaha TBda lagu daweeyo ee ay hey'adu ka hirgalisay Soomaalia

Xubno ku hadlay afka Bulshada Deegaanka oo munaasabadda ka hadlay ayaa muujiyay dareenkooga ku aadan waxey latahay iney deegaanka ku soo kordhineyso Xarunta TBDA lagu daweeyo oo si bulaasha Dawooyin Cudurkan ciribtira u siin doonta dadka ku dhaqan Deyl Eyl iyo Deegaanada Hoostaga

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr, Cali C,laahi warsame oo ugu Dambeyn munaasabadda Soo xiray waxa uu sheegay in wasaaradda Caafimaadku  aysan awood u laheyn iney xaliso Baahiyo Badan oo dhanka caafimaadka ah oo ka jira Deegaanada pl,hasa yeeshee inta karoomkooga ah ay ay qaadayaan talaabo wax ku oola ayna ku talajiraan hadii alla idmo in eyl ay ka furaan Xarumo kale oo Caafimaad maadaama ay deegaanka ka jiraan Xanuuno kale oo qudhoodu u baahan in loo helo Dayo iyo Howlwadeeno

Dhinaca kale Radio Garowe oo maalintii 3aad uu Studio uu ka furty Degmada Eyl ayaa lagu soo hadal qaaday munaasabadda waxana dhamaan Xubnihii Goobta ka hadlay ay sheegeen in Dadku markii ay ka dhega la'aayeen waxa ka dhacaya Mandiqadda kale ee PL Balse u sahlanaaneyso iyagoo deegaankooga jooga in baahidooda u soon gudbiyaan Dowlada Dhexe lana socdaan wadciga iyo marxaladaha jira ee isbedela.

Hayada Muslim Aid waxay gacanta ku haysaa 13 xarumood oo TB-da lagu daweeyo guud gobolada Somalia.

Halkan ka dhagayso warbixin uu ka diyaariyay xuseen shine xaflada


RELATED:
Caafimaadka PL oo laga hadlay
C.wali oo Muqdisho ku laabtay
Wasiirka Amniga Puntland oo booqday ciidanka Tukaraq


Advertisement
 

Vacancy Anouncment Legal Advisor for the Puntland House of Representatives

EDITORS PICK:

Somalia: Military in deadly battle with police in Middle Shabelle

JOWHAR, Somalia April 18, 2014 (Garowe Online)

Somalia: Al Shabaab fighters ambush Federal Govt troops in Bay, 6 militants killed

Somalia: Ugandan Guard Unit arrives in Mogadishu for UN personnel, bases protection

Somalia: Somaliland forces withdraw from historic town of Taleh

Somalia: Somaliland troops seize Taleh town ahead of clan convention

Somalia: No-confidence motion against President Hassan looms-Sources

Somalia: Kuwaiti Company to construct Airport, University in Puntland

Somalia: Federal Govt, Ethiopian troops clash with Al Shabaab in Bakool

Somalia: PM in Kismayo Port City for official visit

Somalia: National Armed Forces celebrate 54th anniversary

Somalia: Puntland Farmers Day marked with ‘Commendations and Pledges’

Somalia: AMISOM, Jubaland forces rescue Kenyan nationals held by Al Shabaab

Somalia: PM on visit to liberated towns

Somalia: Midnight blaze devours Baidoa market, 7 injured

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us