Xasan Shiikh oo looga kacay Jubooyinka 9 Nov 9, 2012 - 7:28:42 AM
Banaan baxyo looga soo horjeedo farogelinta madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ee Jubooyinka ayaa maanta 09 November,2012 ka dhacay deegaano hoos yimaada gobollada Jubooyinka iyo Gedo.
Afmadow, Badhaadhe, Dhoobley, Raskamboni, Buurgaabo, Diif, Qooqaani iyo Tuulooyin kale ayay ka dhaceen dibad baxyadan iyadoona dadku watey halku dhegyo lagu soo qorey Karaatiin maadaama deegaanadaasi wax badan oo horumar ah tabayaan.
Odayaal ,waxgarad dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaandaasi ayaa ka qaybgalay ,waxana ay ku edeeyeen madaxweynaha inuu baal marey dastuurki dalka u yaaley.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in guddiga farsamo ee maamul u samaynta Jubooyinka iyo Gedo uu ka soo kicitimo Nairbo isagoo ku wajahan Magaalada Kismaayo.