Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Xasan Shiikh oo dhaqaale dalbaday

Madaxweynaha Somalia oo safar ku jooga dalka Uganda ayaa ka dalbaday Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas inay dhaqaale ku taageeraan dowladiisa, isagoo sheegay in dowladu ay muddo yar u qabtay inay sugto amaanka Muqdisho.

Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu Hogaaminayo oo Maalmahan ku sugnaa Dalka Kenya ayaa waxay gaareen Magaalada Kampala ee Xarunta Uganda Isniintii shalay iyagoo la kulmay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in kulanka labada Madaxweynuhu uu kusoo dhamaaday jawi wanaagsan, loogana hadlay sidii loo xoojin lahaa howgalada AMISOM ee ay qaybta ka tahay Uganda.

"Muddo kooban ayaan u qorsheynay inaan ku sugno amaanka Muqdisho, waxaana la idinka doonayaa inaad qaybtiina ka qaadataan qorshaha lagu xasilinayo dalka oo dhan" ayuu madaxweynuhu u sheegay Jaaliyada Somalida ee Uganda.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Dowladiisu ay dadaal weyn ugu jirto sidii ay dalka uga samatabixin lahayd dhibaatada uu ku jiro oo uu ku sheegay mid aad u adag, isagoo xusay in Dowlad Keliya aysan awood u lahayn inay dhibkaas dalka ka saarto.

"Dhaqaale ayaad horay dowlada ugu taageerteen, hadana waxaa la idinka doonayaa inaad sidii oo kale dhaqaale ugu taageertaan" ayuu Xasan Shiikh ku yiri xubnihii Jaaliyada ee uu xalay la kulmay.

Madaxweyaha ayaa ku booriyay dhalinyarada wax ka bartay dalka Uganda inay ka mid noqdaan saraakiisha ciidamada dowlada hogaaminaysa si ay dalkooda wax ugu qabtaan, wuxuuna sheegay in dadka maanta isku shuqliya inay dalka dhibaatada ka saaraan ay taariikhda meel wanaagsan ka geli doonaan.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Khudbadihii laga jeedshay shirka waxbarashada dalka
AMISOM oo Raadaar dawayneysa
Warbixin burcad badeeda Afrika


Advertisement
 

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia: Jubaland official wounded in Kismayo
KISMAYO, Somalia Jun 18 2013 (Garowe Online)

Somalia: Somaliland bars federal gov’t authorized aircraft from landing

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

Somalia: Second mortar attack on presidential palace in 2 months

Somalia: Clashes kill 10 in Jowhar after clans accuse gov’t of ‘subjugation’

Somalia: Melbourne Diaspora hold welcoming event for President Farole

Somalia: Puntland President Addresses Somali Community at Melbourne Event

Somalia: Puntland VP convenes parliament session

Somalia: IED attack targets Wanlaweyn district official

St. Louis shooting: 4 dead, including gunman, at small healthcare business

Ethiopians in Egypt complain of Renaissance Dam backlash

Massive police raid launched in Toronto

Somalia: Gambol Secondary students hold colourful graduation ceremony

Jubaland: Kenya Defence Forces not supporting us

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us