Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Feb 11, 2014 - 5:11:05 AM
Wararka
Xasan Shiikh oo u dhoofay Mareykanka

Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid tahay Wasiirada Arimaha DF, Fowsiyo Yuusuf ayaa maanta u dhoofay dalka Mareykanka, iyadoo aan la ogeyn inta ay qaadn doonto booqashadooda.

Safarka Xasan Shiikh ayaa lagu sheegay inuu yahay sidii uu ugala hadli lahaa Madaxda Mareyakanka inay gacan ka geystaan horumarinta dhinacyada Amaanka iyo dib u dhiska Somalia.

“Booqashadan waa mid lagu adkeynayo xiriirka Mareykanka iyo DF iyadoo Madaxweynuhu uu la kulmi doono Madaxda Washington wuxuuna kala hadli doonaa xoojinta xiriirka labada dhinac iyo horumarinta Somalia” ayaa lagu yiri war looga hadlayay Safarka Madaxweynaha uu ku aaday Mareykanka.

Madaxweynaha Somalia oo xilka haya 120 casho ayaa wuxuu in ka badan Toban jeer u dhoofay dalal u badan kuwa dariska la ah Somalia, waxaana la sheegay in Madaxweynuhu uu safari badan ku tegi doono dalal badan si uu uga hadlo horumarka Somalia.

Sidoo kale, warbixinta waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somalia oo doonaya inaan dib loogu laaban halkii ay Somalia ka timid uu go’aan ku gaaray inuu intii awoodiisa ah xoojiyo xiriirka Somalia iyo Dunida.

Dowlada Somalia ayaa waxay tan iyo markii la dhisay ku jiray howlo ay ku sheegtay inay kusoo celinayso nabadii iyo kala dambeyntii Somalia horay uga jirtay, inkastoo weli ay Muqdisho ka dhacayaan qaraxyo iyo dilal loo geysanayo xubnaha dowlada ka tirsan.

Madaxweyne Xasan ayaa booqashooyin kusoo maray dalal ay ka mid yihiin: Sudan, Ethiopia, Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Turkiga, kuwaasoo uu lasoo saxiixday heshiisyo looga taageerayo Dowlada Somalia horumarinta amniga iyo dib u dhiska.
                
GAROWE ONLINE
RELATED:
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo Muqdisho aaday
Shir wada-tashi oo Garowe ka furmay
Alshabab Muqdisho lagu bandhigay


Advertisement
 

Vacancy Anouncment Legal Advisor for the Puntland House of Representatives

EDITORS PICK:

Somalia's President stresses need for stability at National Conference on Security

MOGADISHU, Somalia April 20, 2014 (Garowe Online

Somalia: Khat plane veers off runway in central town

Somalia: Puntland Defence Forces urged to confront Somaliland, Al Shabaab

Somalia: Military in deadly battle with police in Middle Shabelle

Somalia: Al Shabaab fighters ambush Federal Govt troops in Bay, 6 militants killed

Somalia: Ugandan Guard Unit arrives in Mogadishu for UN personnel, bases protection

Somalia: Somaliland forces withdraw from historic town of Taleh

Somalia: Somaliland troops seize Taleh town ahead of clan convention

Somalia: No-confidence motion against President Hassan looms-Sources

Somalia: Kuwaiti Company to construct Airport, University in Puntland

Somalia: Federal Govt, Ethiopian troops clash with Al Shabaab in Bakool

Somalia: PM in Kismayo Port City for official visit

Somalia: National Armed Forces celebrate 54th anniversary

Somalia: Puntland Farmers Day marked with ‘Commendations and Pledges’

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us