Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Xasan: lama hadlayno Al-shabaab

Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud ayaa sheegay inaysan la hadlayn Al-shabaab inta ay rumeysan yihiin in Somalia aan la kala lahayn, isagoo sheegay in Awood ahaan hada Al-shabaab laga adkaaday.

Xasan Shiikh wuxuu sheegay in dowladiisu ay ka go'an tahay inay labada gacmood ku qaado cid walba oo kasoo baxda Al-shabaab iskana xoorta fikirka ku saleysan in dadka la dilo, isagoo Xubnaha Ajnabiga ah ee Al-shabaab la jira ugu baaqay inay dalka isaga baxaan.

"Inta qof Al-shabaab ka tirsan uu hubeysan yahay sidoo kalena aaminsan yahay in dalkan aan la kala lahayn lama galayno wadahadal, balse qofkii kasoo baxa waan soo dhaweynaynaa" ayuu yiri Xasan Shiikh oo intaas ku daray in dowladiisu ay u heelan tahay nabad.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Dhalinyaradii Al-shabaab u dagaalamayay ay duurka ku jiraan ayna u direen odayaal halkaas kasoo saara, wuxuuna carabka ku dhajiyay in dowladu ay ugu baaqayso Dhalinyarada Kooxdaas ka tirsan inay isaga soo tagaan oo ay kusoo biiraan shacabka Soomaaliyeed.

"Xubnaha Al-shabaab ee Ajnabiga ah wax naga dhexeeya ma jiraan waxaan ka doonaynaa oo keliya inay dalkeena nooga baxaan" ayuu si caro leh u yiri Xasan oo wareysi siinayay BBC qaybta Soomaaliga.

Madaxweynaha Somalia oo dhinaca ka hadlay Wadahadalkii ay kula jireen Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay sii wadayaan, isagoo hakadkii ku yimid wadahadalada ku sheegay doorashooyinkii ka dhacay Muqdisho iyo Hargeysa.

Ugu dambeyn Xasan Shiikh wuxuu daaha ka rogay in Dowladiisu ay ku shaqeyso Dhaqaalaha ay ka hesho Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, uuna socdo qorshe lagu horumarinayo Adeegyo ay ka mid yihiin Canshuuraha.

GAROWE ONLINE
RELATED:
Garowe: Dil lagu xakumay ragii dilay Shiikh C/qaadir
Sunta Beeraha oo PL laga digay
Bossaso: Jubaland oo lagu taageeray kulan


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: PM Shirdon receives AU Envoy, MPs withdraw confidence vote
MOGADISHU, Somalia May 22, 2013 (Garowe Online)

Somalia: Meeting held over women’s participation in Puntland elections

Somaliland leader hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa

Somalia: AMISOM begins house searches in Mogadishu: spokesman

Somalia: Puntland president hosts Australia ambassador in Garowe

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia: Puntland police receive gender violence training

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us