Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Xasan oo ka hadlay Ciidanka UK

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo ka hadlay ciidamada UK ee Muqdisho tagaya ayaa sheegay inaysan ahayn kuwo ka qaybqaadanaya dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Xukuumada UK ayaa sheegtay inay ciidamo gaar ah u dirayso Somalia si ay tababaro u siiyaan ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ee caawinaya, sidoo kale ciidamadan ayay sheegtay inay ilaali doonaan xarunta Safaarada England ay ku yeelanayso Muqdisho.

“Ciidmadan waa kuwo ciidamada DF ka caawinaya dhinaca tababarka iyo qalabka, mana ahan kuwo qayb ka qaadanaya dagaalada lagula jiro Al-shabaab” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha Somalia ayaa dhawaan booqasho ku tagay Magaalada London inkastoo aan si sax ah loo shaacin waxyaabaha rasmi ahaan ay uga hadleen isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha UK, David Cameron, marka laga reebo in la sheegain ay kawada hadleen adkeynta xiriirka labada dal.

“Dowlada England waxaan ku heshiinay in ciidamada Somalia ay tababarto, markan ciidamadan waxay qayb ka yihiin kuwii aan ku heshiinay inay tababar siiyaan ciidamadeena” ayuu hadalkiisa ku dara.

Britain ayaan faahfaahin dheeraad ah ka bixin howlaha rasmi ahaan aynka qabanayaan ciidamadeeda ay u dirayso Somalia, waxaase sanadkii hore lagu arkay gudaha Somalia, gaar ahaan Degmada Afgooye ciidamo British ah oo caawinaya ciidamada AMISOM ee dagaalka kula jira Ururka Al-shabaab.

Imaanshaha ciidamadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM ay guulo ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Xoogaga Al-shabaab oo dhul badan laga qabsaday dhowr iyo tobankii bilood ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Cudurka Dabaysha oo ay ka digtay WHO inuu faafo
Xus lagu qabtay Bossaso
AU-da oo lagu xusay Muqdisho


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland court issues death sentences for Islamic Mufti’s killers
GAROWE, Somalia May 23, 2013 (Garowe Online)

Somalia: PM Shirdon receives AU Envoy, MPs withdraw confidence vote

Somalia: Meeting held over women’s participation in Puntland elections

Somaliland leader hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa

Somalia: AMISOM begins house searches in Mogadishu: spokesman

Somalia: Puntland president hosts Australia ambassador in Garowe

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia: Puntland police receive gender violence training

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us