Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Xasan oo ka hadlay qaraxii Nairobi

Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud ayaa dib maanta 08 December,2012 ugu soo laabtay Muqdisho kadib markii uu booqasho dhowr casho ah ku tagay dalka Turkiga, isagoo markii uu ka dagay garoonka Muqdisho cambaareeyay Qaraxii xalay ka dhacay Nairobi.

Xasan Shiikh ayaa qaraxaas ku tilmaamay mid fool xun, wuxuuna sheegay inaysan Islaamnimada iyo Soomaalinimada ku jirin in dad cibaadeysanaya la weeraro, isagoo sheegay in Dowladiisu ay gacan ka siinayso Kenya sidii ay uga hortagi lahayd kuwa falalkaas geysanaya.

"Qaraxii ka dhacay Nairobi wuxuu ahaa mid fool xun, waxaana lagu ku dhintay kuna dhawacmay dad cibaadeysanaya oo Alle baryay, mana ahan wax Islaamnimada ku jirta" ayuu yiri Xasan Shiikh oo tacsi u diray Ehelada dadkii ay waxyeeladu gaartay iyo Dowlada Kenya.

Madaxweynaha Somalia wuxuu si gaar ah uga hadlay Dhaawaca Xidhibaan Yuusuf Xasan isagoo ku tilmaamay wax laga xumaado, wuxuuna sheegay in xildhibaanku uu ahaa mid jecel Somalida, isla markaana caawiya.

"Sababta loo weeraro Kenya waa maxaad u caawinaysaan Somalia, runtiina inagu waa mid aan aad uga xunahay in la beegsado dadka masaakiin ah oo Alle tuugaya" ayuu Madaxweynaha Somalia ku sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay Muqdisho.

Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in Kenya ay gacan ka siinayso Dowlada iyo Shacabka Somalia sidii ay dib ugu soo ceshan lahaayeen Nabadooda, taasna uu ku amaanayo shacabka iyo dowlada Kenya, isagoo labada shacab ugu baaqay inay ka hortagaan kuwa doonaya inay Amaanka wax u dhimaan.

Xalay ayaa Masaajid ku yaala Magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafada Islii waxaa ka dhacay Qarax loo malayenayo bambaano waxaana ku dhintay sadex qof iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 ruux oo uu ku jiro Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto Degmada Kamakunji oo Islii ay ka tirsan tahay.

Ma jirto cid sheegatay inay Ma'suul ka tahay weerarkaas, waxaana weerarkan uu noqonayaa kii labaad oo muddo sadex maamood gudahadood ah ka dhaca Nairobi, balse Booliiska Kenya ayaa sheegay in weerarkan uu yahay mid ka duwan kuwii ka dhici jiray Nairobi.

GAROWE ONLINE
RELATED:
Sunta Beeraha oo PL laga digay
Doorashada Jubaland oo lagu taageeray kulan Bossaso
Saacid oo la kulmay Ergayga AU


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: PM Shirdon receives AU Envoy, MPs withdraw confidence vote
MOGADISHU, Somalia May 22, 2013 (Garowe Online)

Somalia: Meeting held over women’s participation in Puntland elections

Somaliland leader hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa

Somalia: AMISOM begins house searches in Mogadishu: spokesman

Somalia: Puntland president hosts Australia ambassador in Garowe

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia: Puntland police receive gender violence training

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us