Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Xasan oo ka hadlay dilka Suxufiyiinta

Madaxweynaha Somali Xasan Sh. Maxamuud ayaa sheegay in la sameynayo Gudi baaris ku sameeya dilalka loo geysto Suxufiyiinta Somalia, kadib kulan uu Villa Somalia kula yeeshay qaar ka mid ah qaybaha kala duwna ee Suxufiyiinta ka howgala Muqdisho.

Xasan Shiikh wuxuu sheegay in DF aysan u dulqaadan doonin dilalka macnodarada ah ee loo geysanayo Suxufiyiinta ka howlgala warbaahinta guud ee dalka ka jirta, gaar ahaan kuwa ku sugan Muqdisho.

"Uma dulqaadan doono in la dilo wariye kale, waxaan ka codsanaynaa shacabka inay gacan ka geystaan sidii loo qaban lahaa dambiilayaasha ka dambeeyay dilalka loo geysto suxufiyiinta" ayuu yiri Xasan Shiikh oo la hadlayay koox wariyeyaal ah.

Suxufiyiinta uu la kulmay Madaxweynaha ayaa waxaa ku jiray kuwo saacado badan ku xayirnaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, kuwaasoo maamulka halkaa ka jira uu u diiday inay gudaha u galaan Magaaladaas oo ay howlo shaqo ugu socdeen.

Wariyeyaasha Sanadkan lagu dilay gudaha Soomaaliya ayaa waxay tiradoodu maraysaa 18, kuwaasoo intooda badan lagu dilay Magaalada Muqdisho, waxaana kula jira sadex wariye oo ka howlgalayay Idaacada Shabelle oo ka mid ah kuwa ka howgala Muqdisho.

Ma jirto cid loosoo qabtay dilalka Suxufiyiinta loo geysto, waxaana dilalka 10 ka mid ah wariyeyaashii sanadkan la dilay mas'uuliyada sheegtay Al-shabaab oo DF kula jirta dagaal, waxaana wariyeyaashii la kulmay Xasan Shiikh qaarkood ay rajo xumo ka muujiyeen hadalkiisa.

Madaxweynah Somalia ma uusan sheegin xiliga uu gudiga dabagalka ku sameynaya dilalka wariyeyaasha magacaabi doono; iyadoo inta badan madaxda Soomaalidu ay sheegaan inay wax qabanayaan marka la dilo wariye.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Gudiga kormeerka oo la mgacaabay
Puntland ayaa ka hadashay weerarkii UNDP Muqdisho
Barlamanka oo ka doodaya Guardfu


Advertisement
 

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia: UN compound siege in Mogadishu by Al Shabaab kills 15
MOGADISHU, Somalia Jun 19 2013 (Garowe Online)

Somalia: PM Shirdon condemns attack on UN compound

Somalia: Al Shabaab militants storm U.N. compound in Mogadishu‏

Somalia: Somaliland bars federal gov’t authorized aircraft from landing

Somalia: Jubaland official wounded in Kismayo

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

Somalia: Second mortar attack on presidential palace in 2 months

Somalia: Clashes kill 10 in Jowhar after clans accuse gov’t of ‘subjugation’

Somalia: Melbourne Diaspora hold welcoming event for President Farole

Somalia: Puntland President Addresses Somali Community at Melbourne Event

Somalia: Puntland VP convenes parliament session

Somalia: IED attack targets Wanlaweyn district official

St. Louis shooting: 4 dead, including gunman, at small healthcare business

Ethiopians in Egypt complain of Renaissance Dam backlash

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us