Xasan oo la kulmey Rajiv Shah 21 Feb 21, 2013 - 5:58:10 AM
Madaxa Hay’adaha USAID ee Mareykanka, Rajiv Shah ayaa maanta [Feb 21, 2013] booqasho ku tagay Magaalada Muqdisho, isagoo halkaas kula kulmay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia, wuxuuna ku dhawaaqay in
$20 Million oo cusub loogu deeqayo Somalia.
Mas’uulkan oo ay wehliyeen Safiirka Mareykanka ee Somalia James Swan iyo mas’uulkiyiin kale ayaa waxay kala hadleen Madaxda Soomaalida sida ay doonayaan in loo caawiyo shacabka Somalida maadaama ay Somalia ka baxday xiligii KMG ahayd.
“Booqashadan waxay muujinaysaa sida xiriirka Mareykanka iyo Somalia uu u noqday mid ka duwan sidii uu ahaan jiray, waxaana ka dalbanay Madaxa USAID in Somalia loo caawiyo sida ay doonayso, lagana caawiyo dhinacyada Caafimaadka iyo Waxbarashada” ayuu yiri Xasan Sh. Maxamuud oo la hadlay wariyeyaasha kulanka kadib.
Madaxweyne Xasan wuxuu hadalkiisa ku daray in Dowlada Somalia ay doonayso in la bedelo habkii hore ee Somalia loo caawin jiray, taasna uu ka ogolaaday Mas’uulka ka socday Mareykanka.
Sidoo kale Rajiv Shah ayaa isaguna u sheegay warfidiyeenka ayaa sheeegay in Mareykanka uu ku caawinayo Somalia dhaqaale gaaraya $20 Millian taas oo wax looga qabanayo horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo Caafimaadka.
“Maanta waxaan halkan uga dhawaaqayaa kaalmo cusub oo Mareykanka uu ugu deeqay Somalia taasoo gaaraysa $20 Million, waxaana ku caawinaynaa dhalinyarada Somalida Rag iyo Dumarba, gaar ahaan beeraleyda” ayuu yiri Rajiv Shan oo intaas ku daray inay tixgelin doonaan hadba sida ay Madaxda Somalida u doonayaan in lagu caawiyo.
Booqashadan ayaa waxay imaanaysaa xili Mareykanka uu bishii hore aqoonsaday Dowlada Somalia, sidoo kale waxay kusoo beegmaysaa xili uu maalmo ka hor Booqasho ku yimid Muqdisho Senetor Keith Ellison oo kala hadlay Madaxda Somalida
Mareykanka ayaa ah deeq-bixiyaha ugu weyn ee Somalia, iyadoo dhawaan ay caalamka ugu baaqday in laga caawiyo Somalia dib u dhiska dalka kadib sanado badan oo colaado ah.