Xasan Sh. oo u dhoofey Ethiopia 26 Jan 26, 2013 - 6:01:04 AM
Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Ethiopia halkaasoo ay uga qaybgalayaan shirka Ururka Midowga Afrika, kaasoo sanadkiiba laba jeer lagu qabto xarunta ururkaas ee Addis Ababa.
Madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa ayaa waxaa kusii sagootiyay garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Prof. Maxamed Sh. Cismaan [Jawaari] iyo Saacid Faarax, iyadoo lagu wado in madaxweynaha uu safarkiisa Ethiopia kadib u dhoofo dalka Belgium oo uu kaga qaybgalayo shir ay leeyihiin Madaxda Yurub.
Shirka Midowga Afrika ayaa waxaa looga hadli doonaa qodobo ay ka mid yihiin xaalada Somalia iyo aqoonsiga Mareykanka uu siiyay Somalia, waxaana madaxweynuhu uu kulamo la yeelan doonaa madaxda Afrika.
Wasiir u dowlaha Wasaarada Arimaha Dibada Somalia oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu hadal ka jeedin doona shirka isagoo faahfaahin ka bixin doona xaalada Somalia iyo Aqoonsiga caalamiga ah ee uu siiyay Mareykanka.
Madaxda Midowga Afrika ayaa waxay sidoo kale kulankooda kaga hadli doonaan Arimo ay ka mid yihiin dagaalada ka socda Mali, sidoo kalena waxaa lagu soo qaadi doonaa howgalada ay AMISOM ka wadaan Somalia.
Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ku qulqulaya Madaxweynayaal ka socda Qaarada Afrika, iyadoo shirka lagu wado inuu furmo Maalinta Berri ah oo ku beegan Axad.