GAROWE ONLINE
Xarunta PDRC ee Magaalada
Garowe ayaa maanta 31 January,2013 waxa lagu soo bandhigey Xeerka
Hab-dhaqanka ururada siyaasada Puntland.
Guddiga
Doorashooyinka Puntland ayaa kulankan qabtey ,waxana ka soo qaybgalay
madaxda lixda urur siyaasadeed ee ka jira Puntland oo kala ah Horseed
,Hor-Cad,Midnimo ,UDAD ,PDP iyo Wadajir.
Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole Gudoomiyaha KMG ee
Ururka Horseed iyo ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa qayb ka
ahaa kulankan uu sheegey gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka in la iskugu
yeerey ururada sidii loogu soo gudbin lahaa Xeerkan Cusub.
Dr.Maxamed Xasan Barre ayaa ka soo qaybgalayaasha
uga mahadceliyey oo ka soo sheekeyey heerar geedi socodka Dimqoraadiyada
Puntland ayaa sheegey in hataan fulinti la gaaray.
Agaasimaha
hayada PDRC Dr.Cabdiraxman Cabdule Shuukeayaa guul ku tilmaamay in
Puntland u gudubtey nidaamka Xisbiyada badan oo ahaa kii la isla qaatey
markii la dhisey 1998.
Cabdirisaaq Axmed Showle oo ka mid ah xubnaha
guddiga doorashooyinka ayaa u akhriyey masuliyiinta ururada siyaasada
Puntland xeerkan oo dhamaystiran ka hor intaan aysan saxiixin.
Waxa ugu muhiimsanaa Qodobadda xeerkan qaabka ay u dhaceyso
Isdiiwaagelinta taageerayaasha ururada siyaasada oo ku eg 9 Feb.2013 iyo
in ururadu dhexdooda is ixtiraamaan iyo weliba inaan wax hub la qaadan
karin taageerayaasha ururada siyaasada.
Madaxweyne Farole ayaa bilaabay Saxiixa xeerkan oo
dhamaan ururadu balanqaadeen inay ku dhaqeyn doonaan qodobadiisa,waxana
Dr.Saadiq Eenow oo gudoomiye KMG ka ah Ururka Midnimo guddiga ka
codsadey inay dhexdhexad ka noqdaan geedi socodkan looga baxayo
Nidaamkii Qabiilka.
Halkan ka dhageyso Warbixin Cali Cali Jaamac Ka diyaarshey PDRC