Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Xiisado ka taagan Deg. Matabaan

Xiisado u dhexeeya Ururka Ahlusuna iyo Maamulka DF ee Gobolka Hiiraan ayaa ka taagan Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo ay gacanta ku haysay Ahlusuna, halkaasoo ay saakay aroortii hore ay la wareegeen ciidamada Gobolka Hiiraan oo taageersan DF iyadoo aysan wax dagaalo ah dhicin.

Ciidamo taabacsan Ahlusuna ayaa la sheegay inay gaareen deegaankaas ayna ka taagan yihiin xiisado colaadeed oo sababi kara inay labada dhinac dagaalamaan, iyadoo degmadaas uu ku sugan yahay gudoomiyu uu maamulka Gobolka Hiiraan u magacaabay degmadaas.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Matabaan ayaa sheegay in mararka qaarkood laga maqlayo gudaha degmadaas rasaas ay ridayaan ciidamada iska soo horjeeda ee ku sugan degmadaas.

"Saakay ayaa waxaa degmada soo galay ciidamo gaadiid dagaal wata oo ka yimid Baladweyne, hadana waxay ku sugan yihiin gudaha degmada, inkastoo xiisado la dareemayo" ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Matabaan.

Wararka qaarkood ayaa waxay sheegayaan inay dagaalo dhaceen, balse taas ma aysan xaqiijin dadka ku sugan gudaha degmadaas, waxaana xiisada degmadaas ka taagan ay noqonaysaa tii ugu horeysay oo soo dhexgasha ciidamada DF ee ka amar qaata Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Xoogaga Ururka Ahlusuna.

Degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowr sano gacanta ku ka talinayay Ahlusuna, iyadoo ciidamo yar oo saakay ku sugnaa degmadaas ay ku amareen kuwa dowlada inay halkaas isaga tagaan, taasoo keentay in ciidamo ka tirsan Ahlusuna ay ka yimaadaan Degmada Guriceel.

Xukuumada Somalia oo dhawaan u magacowday Gobolka Galguduud oo ay ka taliso Ahlusuna maamul ayaan ka hadlin xiisadaha ka taagan Degmada Matabaan, iyadoo la saadaalinayo in dagaalkan uu sababi karo khilaaf soo dhexgala DF iyo Ahlusuna.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa tan iyo markii la magacaabay wuxuu ku goodinayay in Degmooyinka Gobolkaas ka tirsan ee aysan gacanta ku hayn ay la wareegi doonaan, iyadoo talaabadan ay noqonayso tii ugu horeysay oo uu maamulkaas qaaday.

GAROWE ONLINE
RELATED:
Wafdiga IGAD oo la kulmey ergadii dooratay A.Madoobe
''Midnimada Somalia waa Muqadas''
AMISOM oo ka hadashay Kismaayo


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting
KISMAYO, Somalia May 18, 2013 (Garowe Online)

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president

Somalia: Aweys blames Al Shabaab chief for ‘targeting foreign fighters’

Somalia: Jubaland gains support, as federal gov’t rejects outcome

Somalia: Ahmed Madobe elected first president of Jubaland in landslide victory

Somalia: ‘92 MPs sign motion’ against Prime Minister Shirdon

Somalia: Kismayo admin detains ‘troublemakers from Mogadishu’

PM Shirdon launches New Deal for Somalia at Mogadishu event

Somaliland minister rejects control of airspace by Somalia govt

Somalia: Council of Ministers pass Puntland Constitutional Court Law

Somalia: Flight to Kismayo ‘forced to return to Mogadishu’

Somalia: ‘Somaliland troops kill 1 civilian’ in Burao riots: witnesses

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us