Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Xil wareejin ka dhacdey Galkacayo

GAROWE ONLINE

Xaflad ay xilalka kula kala wareegayeen Duqii hore ee degmada Gaalkacyo iyo kan dhawaan loosoo magacaabay,ayaa maantey 10 February,2013 lagu qabtay hoolka shirarka mamulka gobalka Mudug,waxana munaasibadaasi kasoo qayb galay xubno ka socday xukumadda,xildhibaano,mamulka gobalka iyo shaqalaha dowlada hoose ee Gaalkacyo.

Bilowgii kulankaasi waxaa ka hadlay Duqii hore ee degmada Gaalkacyo Col,Siciid Cabdi Faarax,wuxuna xusay inuu ku farax san yahay xilka qaadista uu Dr.Faroole ku sameeyay,wuxuna sidoo kale ka sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay tan iyo waqtigii uu xafiiska Gaalkacyo joogay.

Arimaha uu xusay Col.Siciid Cabdk Faarax ee uu wax ka qabtay ayaa waxaa ka mid ah hagaajinta wadooyin ku yaala Gaalkacyo,banaynta wadooyin kale oo ay dageen shacabka magalada,wuxuna sidoo kale balan qaaday inuu si wanaagsan oo aan gabasho lahayn ula shaqayn doono mamulka cusub ee gaalkacyo loosoo magacaabay.

Dhinaca kale waxaa kalmado hadal ah goobta kasoo jeediyay duqa cusub ee Gaalkacyo oo horayna Gudoomiyaha gobalka Mudug usoo noqday Col.Axmad Cali Salaad,wuxuna sheegay inuu ku farax san yahay qaabka wanaagsan ee uu xilka ugu wareejiyay duqii hore Col-Siciid ,wuxuna sidoo kale sheegay inuu wax badan ka qaban doono arimaha nabadgalyadda,horumarinta degmada iyo waliba hagaajinta wadooyinka magaladda.

Masuuliyiintii munaasibadaasi ka hadlay ayaa mamulka cusub kula dardaarmay inuu wax badan ka qabto xaalada Gaalkacyo,waxana ka mid ah masuuliyiinta dardaarka soo jeediyay wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Puntland ,wuxuna sheegay Col.Axmad Cali Salaad in looga baahan yahay baahinta mamul wanaaga iyo waliba ka shaqaynta horumarka degmada Gaalkacyo.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka arimaha gudaha ayaa sheegay inay muhiim tahay in la helo gollahii deegaanka Degmada gaalkacyo oo shaqaynaya,wuxuna sidoo kale tilmamay mamulka cusub ee Gaalkacyo ka wasaarad ahaan inay ula shaqayn doonan si wanaagsan.

Ugu danbayntii munaasibadda xil wareejinta mamulka Gaalkacyo ayaa si wanaagsan kusoo dhamaaday,waxaana dardaarka ka sakow goobta laga soo jeediyay khudbado u badan sidii looga wada shaqayn lahaa horumarka Gobalka mudug.

Halkan ka dhageyso Codka Duqii hore ee degmada Galkacayo


RELATED:
RG oo laga furay Bossaso
Imtixaanka shahaadiga oo beri ka furmaya Puntland
Wasiirada IGAD oo ku shiray Addis


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: Radio Garowe launches new FM station in Bossaso
BOSSASO, Somalia May 24, 2013 (Garowe Online)

Deadly battles in central Somalia between Al Shabaab and nomads

Violence in Somalia scares investors, aid workers

Somalia: Puntland court issues death sentences for Islamic Mufti’s killers

Somalia: PM Shirdon receives AU Envoy, MPs withdraw confidence vote

Somalia: Meeting held over women’s participation in Puntland elections

Somaliland leader hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa

Somalia: AMISOM begins house searches in Mogadishu: spokesman

Somalia: Puntland president hosts Australia ambassador in Garowe

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia: Puntland police receive gender violence training

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us