Xildhibaan ku Geeriyooday Muqdisho 14 Feb 14, 2013 - 6:47:07 AM
Xildhibaan ka tirsan Dowlada Somalia ayaa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ee Xarunta Somalia, iyadoo mudanahan isla maanta lagu aasay Qabriyo ku dhow Villa Somalia.
Marxuum Shiikh Nuur Cali Aadan oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa u dhintay xanuun si lama filaan ah xalay ugu soo booday, iyadoo la dhigay Isbitaal, balse halkaas uu ku geeriyooday.
Xildhibaankan geeriyooday ayaa horay u soo noqday wasiirka Arimaha Diinta iyo Awqaafta Dowladihii KMG ahaa ee Somalia, isagoo noqonayo mudanihii labaad oo ka geeriyooda Baarlamaanka Somalia oo la dhisay [Aug, 2012].
Madaxda Dowlada Somalia oo ka hadlay geerida Mudanahan ayaa sheegay inay uga tacsiyeynayaan Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed, Eheladiisa iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.
Geerida Mudanahan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Mudanayaasha Golaha Shacabka Somalia ay ku jiraan fasaxoodii ugu horeeyay, waxaana qaar ka mid ah mudanayaashaas ay aadeen deegaanadooda si ay ugu kuurgalaan xaaladaha dadka ku nool deegaanadaas.
Dhanka kale, waxaa Maydka Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow oo shalay ku geeriyooday Muqdisho loo duuliyay Maanta degmada Guriceel si halkaas loogu aaso, waxaana horay u sii raacay Wasiiro iyo xildhibaano ka tisran DF.