Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Xildhibaan lagu weeraray Qarax

Gaari uu watay Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Nuux oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamankaa Somalia ayaa lagu weeraray Qarax oo wadada dhinaceeda loogu aasay, waxaana ku dhaawacmay laba ka mid ah ilaaladiisa.

Afhayeenka Booliiska Somalia Gen. Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in miinadu ahayd mid lagu aasay wadada dhinaceeda ayna ka dhacday Xaafad Buulo-xuubeey ee Degmada Wadajir.

Gen. Bariise wuxuu sheegay inaysan jirin khasaare soo gaartay mudanaha isagoo sheegay inay socdaan baaritaano ka dambeeya kuwii weerarkaas bahalnimada ah geystay.

"Laba ka mid ah ilaalada Xildhibaanka ayaa ku dhawacmay Qaraxa midkood xaaladiisa aad ayay u daran tahay, midka kalena wuu iska roon yahay" ayuu yiri Gen. Bariise oo sheegay in sidoo kale Qarax kale uu ka dhacay Degmada Hodan, kaasoo aan la ogeyn khasaare ka dhashay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen laba askari oo dhulka ku dhacay markii uu qaraxu dhacay, kuwaasoo ay halkaas ka qaadeen gadiidka gurmadka deg-dega ah.

Xildhibaankan ayaanay wax khasaare ah kasoo gaarin qaraxaa lagu weeraray gaarigiisa, iyadoo qaraxan uu burburiyay qaybo gaariga ka mid ah, mana jirto ilaa hadda cid sheegatay inay mas'uul ka tahay.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia lagu weeraro, iyadoo uusan mudanuhu ka hadlin weerarka maanta lagu qaaday.

Qaraxyadan ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Amniga DF ay wadeen maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ay ku sugayaan Amaanka Muqdisho oo tan iyo markii ay ka baxday Al-shabaab ay ka dhacayeen Qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

GAROWE ONLINE
RELATED:
Waa sidee xaalada magaalada Kismaayo? ''Dhageyso''
Xasan Daahir oo Godane eedeeyey
Dibadbax ka dhacay Garowe


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president
KISMAYO, Somalia May 17, 2013 (Garowe Online)

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: Aweys blames Al Shabaab chief for ‘targeting foreign fighters’

Somalia: Jubaland gains support, as federal gov’t rejects outcome

Somalia: Ahmed Madobe elected first president of Jubaland in landslide victory

Somalia: ‘92 MPs sign motion’ against Prime Minister Shirdon

Somalia: Kismayo admin detains ‘troublemakers from Mogadishu’

PM Shirdon launches New Deal for Somalia at Mogadishu event

Somaliland minister rejects control of airspace by Somalia govt

Somalia: Council of Ministers pass Puntland Constitutional Court Law

Somalia: Flight to Kismayo ‘forced to return to Mogadishu’

Somalia: ‘Somaliland troops kill 1 civilian’ in Burao riots: witnesses

Rapes on rise in Somaliland, say medical officials

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us