From Garoweonline.com

Wararka
Xildhibanada DF oo kulan kala qayb galey Xukuumada PL
By
Mar 8, 2010 - 6:54:46 AM

Xildhibinaada DFKMG oo fadhiyey kulanka Xukuumada PL
Kulankii asbuucalaha ee Xukuumada Puntland ayaa waxaa maanta 8 March,2010 ka qayb galey Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka kuwaasoo booqasho ku yimid magaalada Garowe maalmihii lasoo dhaafey.

Kulankaan oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Farole ayaa lagu bilaabey howlihii caadiga ahaa ee dowladda iyada oo la dhaariyey Wasiir kuxigeeno la magacaabey asbuucii lasoo dhaafey.

Madaxweynaha puntland iyo kuxigeenka oo ka qayb galaya kulakaas
Madaxweyne Farole oo hadal kooban ka akhriyey kulankaas caadiga ahaa ayaa sheegey in ay tahay markii ugu horeeysay ee Xildhibaanada ka tirsan DFKMG ah kulan kala qayb galaan Xukuumada Dowladda Puntland.

Mr. Farole ayaa sheegey in Xildhibanadaan yihiin kuwo u matala shacabka Puntland Barlamanka Federaalka ah kuwaasoo isugu jira kuwa lagu doortey kulankii Nairobi ee lagu aasasey dowladda dhexe sanadkii 2004 halka xubnaha kale  kamid ahayen mudanayaashii ay soo xusheen ururkii mucaardka ahaa ee Sheekh Shariif kaas oo saldhigiisu ahaa Asmara.

Golaha Wasiirada Puntland
Madaxweynaha Puntland ayaa xusey in xulida mudanayaasha Barlamanka kulankii Jabuti kaasoo lagu laba jibaarey aqalka mudanaasyha dowlada Federaalka ah aan lagala tashan shacabka Puntland balse ay kasoo baxeen rag badan oo wax ku ool ah kuwaasoo maanta fadhiya kulanka Garowe.

Mudane Farole ayaa ka warbixiyey sida dowladda Puntland uga tirsan tahay dowladda Federaalka ah balse nasiib daro ku tilmaamey wada shaqeyn la'aanta u dhexeysa labada dhinac taasoo dusha ka saarey madaxda hurmuudka u ah dowladda ka arrimisa Villa Somalia.

Xildhibaanada DFKMG ah
Hadalka Madaxweynaha Puntland kadib waxaa kulankaas ka hadley Xildhibaan Xasan Abshir Farax oo sheegey in ay u mahad celiyaan dowladda Puntland fursada ay siisey waftigiisa iyo in lagu martiqaado kulanka golaha wsaiirada kaasoo dhaca Isniin walba.

Mud. Xasan Abshir ayaa sheegey in safarkooda salka ku hayo sidii ay wax uga ogaan lahaayeen Puntland islamarkaasna uga qayb qaadan laheeyeen sidii loo hagaajin lahaa xiriirka xun ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Puntland.

Xildhibaan Abshir ayaa ku soo dhoweeyey xildhibaanada kale kuwaasoo akhriyey waraaq ay ku xusan tahay qaabka loo wajahi karo xalinta khilaafkaan u dhexeeya labada dhinac.

Dhinaca kale Xildhibaanada DFKMG ah ayaa sheegey in ay ka haystaan ogolaansho sidii loo xalin lahaa khilaafkaan ergeyga u qaabislan QM arrimaha Somalia iyo dowladda Mareykanka gaar ahaan safaarada Mareykanka ee ku taal Nairobi.

Kulankaan ayaa ku dhamaadey qado sharaf Madaxweynaha Puntland u fidiyey Xildhibaanadaan ka socdey Barlamanka DFKMG ah.

Xildhibaanada booqashada ku yimid Puntland islamarkana ka qayb galey kulankaas ayaa kala ahaa Cabdulahi Bile Nuur, Xareed Xasan Cali, Cabdiladiif Muse Nuur [Sanyare], Da'uud Cabdikariin Sheekh Cumar, Gen.Cabdiraxman Maxamud Cali Bayr, Cali Maxamud Xirsi, Cali Ismaaciil Cabdi Geyr, Xasan Abshir Farax, Deeqa Coljoog, Axmad Saakin.

GAROWE ONLINE



http://www.garoweonline.com