Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Feb 11, 2014 - 5:11:05 AM
Wararka
'Xildhibaano ayaa xiriir la leh Al Shabaab'

Gudoomiyaha Baarlamaanka DF Sh. Aadan Max'ed Nuur [Madoobe] oo maanta [April 21] shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa gaashaanka ku dhuftay mooshinka laga diyaariyay isagoo sheegay inuu yahay gudoomiyaha xaqa ah ee Baarlamaanka.

"Xildhibaanada wada qorshahan waa kuwo doonaya inay burbur u horseedaan DF si ay kooxaha dowlada kasoo horjeeda ugu noqoto fursad" ayuu yiri Sh. Aadan Madoobe isagoo sheegay in qaar ka mid ah xubnahan uu sheegay inay xiriir la leeyihiin Ururka Al-shabaab.

Sh. Aadan Madoobe wxuuu sheegay in xiliga gudoonka baarlamaanka uu yahay mid la socda xiliga baarlamaanka, haddii uu baarlamaanku dhacana ay la dhacayaan, balse aysan jirin xili gaar ah oo ay iyagu dhacayaan.

"Gudoomiyaha Baarlamaanku waa aniga, waana haynayaa xilkan inta howsha guud ee baarlamaanka ay ka dhamaanayso" ayuu yiri Sh. Aadan Madoobe oo ku sugnaa Golaha Shacabka halkaasoo lagu wado inay ka furmaan fadhiyada baarlamaanka.

Maalinta beri ah oo ku aadan xiligii loo qabtay inay furmaan fadhiyada baarlamaanka ayuu sheegay Sh. Aadan Madoobe inay jiraan weli howlo farsamo oo u dhiman halka uu shirku ku qasoomi lahaa, wuxuuse sheegay inay ku adkeysanayaan inuu kulanku furmo.

Sh. Aadan Madoobe wuxuu sheegay inuusan xilka isku dhajiyay, balse dacwooyinka loo qabo loo maro sharciga dalka u dagsan iyo kan baarlamaanka, isagoo sheegay in koox fowdo wadayaal ah uusan hadalkooda uga tagayn xilka uu u hayo ummadda.

"Shacabka Soomaaliyeed hadii ay iga dalbadaan inaan xilkayga ka dago waan ka dagayaa, anigoo u daneynaya shacbka, balse si kale ugama tagayo shaqadayda" ayuu yiri Sh. Aadan Madoobe.

Ugu dambeyn gudoomiyaha Baarlamaanku wuxuu sheegay in cid walba oo sharci wadata uu doonayo inay yimaadaan baarlamaanka, balse aan laga qaylin hoteelada iyo goobaha kale ee aan munaasabka ahayn.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Xerka Argagaxisada DF oo la ansixiyay
Amniga Puntland oo la adkeeyay
Guddi wasiiro ah oo loo saaray xuska dhalashada PL


Advertisement
 

Egypt verdict "defies logic, sense, and any semblance of justice"

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland beefs up security amid Ramadan rampage by Al Shabaab

Somalia: Farole pays tribute to former Puntland Information Minister

Somalia: Uniformed Militants launch raid on Presidential Palace

Puntland Leader meets new Italy envoy to Somalia

Ex-Somalia National Football Team captain passes away

Somalia: Bomb blast at restaurant kills 2 in Gedo region town of Beled Hawo

Somalia: Somaliland President names historic town of Taleh as New Region

Somalia parliament suicide car bomb kills four

Press Release: Puntland Custodial Corps

Somalia: Puntland MPs tour Pirate prison in Garowe, GO Editor-In-Chief responds to Govt

Somalia: Gunmen kill Federal MP in Mogadishu

U.S. discloses secret Somalia military presence, up to 120 troops

Somalia says any Saudi camel import ban would hurt economy

Somalia: Interior Minister, Mogadishu Mayor take stroll as Al Shabaab boosts rampage

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us