Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Xildhibaano diiday ansixinta Wasiirada

Mudanayaan tiradoodu gaarayso 30 ayaa waxay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maanta u gudbiyeen qoraal ay kaga dalbanayaan inaan codka kalsoonida ah la siin xukuumada Somalia ee uu soo dhisay Ra'iisul wasaare Saacid ilaa inta laga soo dhameystirayo.

Xildhibaanadan ayaa waxay sheegeen in dastuurka dalka uu dhigayo inaan codka kalsoonida ah la siin xukuumada iyadoo aan lasoo dhameystirin, iyagoo sheegay in sababta ay sidan u yeeleen ay tahay si sharciga loo ilaaliyo.


Wasiirkii hore ee Dastuurka hadana ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Somalia C/raxmaan Xoosh oo ka mid ah mudanayaasha gudbiyay qoraalkan ayaa sheegay in Gudoomiyaha uu u sheegay in qoraalkooda uu u gudbin doono Madaxda Dowlada si ay go'aan uga qaataan.


"Dowlad aan dhameystirnayn in la ansixiyo waxay noqonaysaa in dastuurka dalka lagu tuntay, taasna ma ahan mid aan aqbalayno, waayo dastuurka waxaa sameeyay in lagu dhaqmo" ayuu yiri Xildhibaan Xoosh.


Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Prof. Maxamed Sh. Cismaan [Jawari] ayaa ka codsaday Ra'iisul Wasaaraha habeenkii xukuumada lagu dhawaaqay inuu si dhaqso ah ku horkeeno baarlamaanka si codka kalsoonida ah loogu qaado.


Arintan ayaa waxay abuuraysaa muran soo dhexgalaya xukuumada iyo baarlamanka balse lama oga go'aanka ay xildhibaanadu qaadan doonaan, iyadoo xukuumada la horgeynayo baarlamaanka Maalinta Sabtida ah.


Xukuumada cusub ayaa waxay ka kooban tahay 10 wasiir oo laba dumar ay ku jiraan, waxaana labada haweenka midood loo magacaabay Ra'iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibada Somalia.


GAROWE ONLINE

RELATED:
Muqdisho: Al-shabaab oo sheegtay weerarka UNDP
''Tirada Qaxootigu waa 7.6 Malyan''
Shirka waxbarashada dalka oo furmay


Advertisement
 

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia: Al Shabaab militants storm U.N. compound in Mogadishu‏
MOGADISHU, Somalia June 19, 2013 (Garowe Online)

Somalia: Al Shabaab militants storm U.N. compound in Mogadishu‏

Somalia: Somaliland bars federal gov’t authorized aircraft from landing

Somalia: Jubaland official wounded in Kismayo

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

Somalia: Second mortar attack on presidential palace in 2 months

Somalia: Clashes kill 10 in Jowhar after clans accuse gov’t of ‘subjugation’

Somalia: Melbourne Diaspora hold welcoming event for President Farole

Somalia: Puntland President Addresses Somali Community at Melbourne Event

Somalia: Puntland VP convenes parliament session

Somalia: IED attack targets Wanlaweyn district official

St. Louis shooting: 4 dead, including gunman, at small healthcare business

Ethiopians in Egypt complain of Renaissance Dam backlash

Massive police raid launched in Toronto

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us