Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Xukuumada oo aan codka loo qaadin

Xukuumada Somalia ayaa ka baaqatay maanta 10 November,2012 inay hortagto Baarlamaanka si codka Kalsoonida loogu qaado, iyadoo baaqashadan lagu sheegay inay ku timid arimo dhanka farsamada ah.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in kulankii xukuumada codka loogu qaadi lahaa uu baaqday iyadoo xildhibaano fara badan ay isku diyaariyeen maanta inay codka u qaadaan xukuumada Somalia.


Xildhibaano ka tisran Baarlamaanka ayaa Khamiistii lasoo dhaafay u gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Qoraal ay ku dalbanayaan inaan xukuumada la ansixin inta laga soo dhameystirayo, iyadoo aan la ogeyn in baaqashadan ay taas xiriir la leedahay iyo in kale.


"Maanta waxaa lagu waday in kulanka Baarlamaanka codka kalsoonida loogu qaado Xukuumada Cusub, balse dib u dhac ayaa ku yimid, waxaana dib u dhacaas lagu sheegay mid farsamo" ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo GO la hadlay.


Lama sheegin xiliga xukuumada cusub la horgeynayo Baarlamaanka si ay halkaas uga jeediso barnaamijkeeda siyaasadeed kadibna codka kalsoonida loogu qaado, balse warar hoose ayaa waxay sheegayaan inay jiraan kala aragti duwanaan ku saabsan ansixinta xukuumada oo u dhexeysa Madaxda DF.


Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay maanta ka doodeen Qodobada Xeer Hoosaadka, iyadoo markii kulanka la xirayay la sheegay in la isku yimaado Berri oo Axad ah, balse lama sheegin in Xukuumadu ay horimaanayo iyo doodaha xeer hoosaadka lasii wadi doono.


Golaha Wasiirada DF ayaa waxay ka kooban yihiin 10 wasiir oo ay ku jiraan laba haween ah, iyadoo Maanta ay Muqdisho ka dhaceen dibadbaxyo lagu taageerayo Xukuumada laguna dalbanayo in Xildhibaanadu ay kalsoonida siiyaan.


Ra'iisul Wasaaraha Somalia ayaa horay u sheegay inuu ku kalsoon yahay in codka la siin doono xukuumada uu soo dhisay; isagoo sidoo kale ku faanay inay isbedel ka dhalin doonaan dalka, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay gacan ku siiyaan gudashada waajibkooda shaqo.


GAROWE ONLINE

RELATED:
Cudurka Dabaysha oo ay ka digtay WHO inuu faafo
Xus lagu qabtay Bossaso
AU-da oo lagu xusay Muqdisho


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland court issues death sentences for Islamic Mufti’s killers
GAROWE, Somalia May 23, 2013 (Garowe Online)

Somalia: PM Shirdon receives AU Envoy, MPs withdraw confidence vote

Somalia: Meeting held over women’s participation in Puntland elections

Somaliland leader hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa

Somalia: AMISOM begins house searches in Mogadishu: spokesman

Somalia: Puntland president hosts Australia ambassador in Garowe

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia: Puntland police receive gender violence training

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us